Kulanka Madaxda Soomaaliya oo Rasmi uga Furmey Magaalada Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya- Kulan u dhexeeya maamulada Soomaaliya iyo dowlada Federaalka ah ayaa galabta Makhribkii si rasmi ah uga furmey magaalada Muqdisho kaasoo lagaga hadlayo qodobo lix ah oo la isku afgartey.

Wadahadaladan oo si rasmiya u furmey caawa fidkii ayaa waxaa ka qayb galaya Madaxweynayaasha Shan maamul goboleed iyo Madaxda dowlada Federaalka Soomaaliya kuwasoo la filayo gabagabada kulankaan kasoo saari doonaan warmurtiyeed.

Qodobada ugu muhiimsan kulankaan ayaa waxaa kamid ah; Xoojinta Wada Shaqeynta iyo Xalinta Arimaha taagaan ee dowlada Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, Dardergalinta Nabad galyada Dalka iyo Ciribtirka Argagixisada, Geedi socodka doorashada "Hal Qof iyo Hal Cod" sanadka 2020.

Dhinaca kale, kulankan ayaa waxaa kaalin muhiim kaga jira Wasiirka arimaha gudaha dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli magaalo madaxda Soomaaliya ee Muqdisho kooxda Al- shabaab la beegsanayso qaraxyo kuwasoo ay ku dhimanayaan dad rayid ah, oo aan waxba galabsan.

Halkaan Ka Akhri Ajendaha Lagaga Hadlayo Kulanka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM