Kulankii Barlamaanka DF oo maalintii saddexaad fashil ku dhamaaday

Image

November 24, 2014 (GO)- Maalintii saddexaad waxaa fawdo kusoo dhamaaday fadhigii Barlamaanka Federaalka ee lagu qaybin lahaa mooshinka ka dhanka ah xukuumadda Ra'iisul Wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed.

Guddoonka baarlamaanka ayaa shaaciyey in kulanku xiran yahay kadib markii uu ku guuldareystey qaybinta mooshinka islamarkaana hoolka buuq iyo sawaxan fara badani hareeyey.

Dhanka kale waxaa jira warar madax banaan oo sheegaya in Guddoonka Barlamaanku si hoose mooshinka ugu qaybiyey xubnaha baarlamaanka ee taageersan mooshinka.

Xildhibaanno la hadlay GO oo codsaday inaan magacooda la shaacin ayaa sheegay inuu jiro walaac xoogan oo laga qabo in mooshinka si hoose lagu meel mariyo iyadoo la tixgelinayo codka hal dhinac oo kamid ah mudaneyaasha baarlamaanka.

Mooshinka laga keenay xukuumadda uu hogaamiyo Cabdiweli Sheekh oo ay dabada ka riixayaan Madaxweyne Xasan iyo xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada wuxuu sabab u noqday in barlamaanku labo garab u kala jabo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM