Kulankii Laftagareen iyo Swan oo fahfaahin laga bixiyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxtooyadda Koonfur Galbeed iyo Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa fahfaahiyey kulankii maanta dhexmaray Cabdicasiis Laftagareen iyo James Swan.

War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Laftagareen ayaa lagu sheegay in kulankan diiradda lagu saarey arrimo ay kamid tahay doorashooyinka 2020-21.

"Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxa uu kulan kula qaatay Wafdi uu Hogaaminayey Wakiilka Qaramada Midoobey Uqaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan oo Wafdigiisa ay Qeyb ka ahaayeen Madax ka Socday Hay,addaha IOM iyo OCHA," ayay tiri Madaxtooyadda Puntland.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Kulanka ayaa inta uu Socday Waxaa looga Hadlay Arimaha Gargaarka,Saamaynta Ayaxa,iyo Arimaha Doorashooyinka".

Dhanka kale, qoraal kasoo baxay Xafiiska UN-ka ayaa lagu sheegay in Swan uu bogaadiyey doorka uu Laftagareen ka cayaarayo xal u helida is-mari-waaga ka taagan doorashooyinka 2020-21.

Laftagareen ayaa dhowaan codsaday in uu u kala dabqaado dowladda federaalka, maamulada kasoo horjeeda iyo Midowga Musharaxiinta.

"Waxaan dooneynay inaan dhageysano waxa maamulka Koonfur Galbeed ka rajeenayaan kana filayaan UN-ka 2021-ka si aan si fiican uga wada shaqeyno si loo hubiyo baahida dadka," ayuu wakiilka UN-ka ee Soomaaliya James Swan ka yiri shir jaraa'id ka dib markii uu la kulmay madaxweynaha.

Socdaalka Swan ee Baydhabo ayaa ah lugta koowaad ee socdaal la filayo in uu ku tago magaala madaxyadda caasimadda dowlad goboleedyadda si xal loogu helo khilaafka doorashooyinka 2020-21.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo taageertay in wadahadal lagu xaliyo khilaaf doorasho iyo dastuur 

Qaramada Midoobay ayaa tilmaantay in madashani ay muhiim u tahay xoojinta wadajirka siyaasadeed.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 12:58PM

Ciidamada dowladda oo dib ula wareegay Kudhaa kadib dagaal culus

Sidoo kale, waxaa la soo bandhigay gaadiid dagaal iyo hub ay ciidamada ka furteen Al-Shabaab, oo katirsan Al-Qaacida.

  • Soomaliya

    22-01-2026

  • 09:40AM