Kumaandooska DFS iyo Kuwa Mareykanka oo weerar ku qaadey Tooratoorow

Image

TOORATOOROW, Somalia - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Weerar qorsheysan oo ciidamada Kumaandooska Dowladda Federaalka Somalia iyo kuwa Mareykanka ay xalay ku qaadeen deegaanka Toora-Toorow ee gobolka Shabeellaha hoose.

Weerarka oo isugu jiray cir iyo dhul ayaa lala beegsaday saldhig Kooxda Al shabaab ku leedahay deegaankasi, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo gaaray mintidiinta.

Mid kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Warsidaha GO ayaa sheegay in diyaarado helecoptars ah ay ku daadiyeen ciidamo duleedka deegaanka Toorotoorow, kadibna dagaal xooggan ay la galeen malleeshiyaadka Al shabaab.

Dagaalka oo wali khasaarihiisa rasmiga ah la ogeyn waxaa ka qeyb-qaatey ciidamado Mareykanka ah, oo ka duulay saldhigga Balli-Doogle, oo ah xaruuntooda ugu weyn ee gobolka Shabeellaha hoose.

Kooxda Al shabaab iyo dowladda Federaalka Somalia wali kama aysan hadlin weerarka.

Weerarkan wuxuu qeyb ka yahay weeraro joogto ah, oo Ciidamada Kumaandooska ku qaadaan Toorotoorow, oo la rumaysan yahy inay ku suagan yihiin hogaamiyaal sare oo katirsan Al shabaab.

Wasaarada Gaashaandhigga Mareykanka ayaa kordhisay weerarada ka dhanka ah Al shabaab, tan iyo markii uu Madaxweyne Trump uu fasaxy duqeymaha Somalia bishii Maarso ee sanadkan.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM