Kuraasta ka banaan Gollaha Shacabka oo la dooranayo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Gudoomiyaha Gudiga madaxa-banaan ee doorashooyinka qaranka, Xaliimo Yareey ayaa ka hadashay doorashada Kuraasta ka banaan Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xaliimo Yareey ayaa xustay in Gollaha Shacabka ay ka banaan yihiin saddex Kursi oo deegaan doorashooyinkooda kala yihiin Jubbaland, Galmudug iyo gobolka Banaadir, kuwaasi oo Xildhibaanadii ku fadhiyay ay geeriyoodeen.

Waxay ugu baaqday Beelaha loo qoondeeyay Kuraastan banaan ee 3-da ah in ay la yimaadaan musharixiintii ugu tartami lahaa, iyadoo sidoo kale lasoo dhameystirayo shuruudaha gaarka ee u degsan doorashada Xildhibaanada.

Xaliimo ma aysan sheegin waqtiga rasmiga ah oo ay dhici-doonto doorashada kuraasta, balse waxay carabka ku adkaysay inay ka war sugayaan ka guddi ahaan sida murashaxiinta isu-diiwaan-geliyaan.

Kuraasta banaan waxaa ka geeriyooday, Bootaan Ciise Caalin, Cabaas Cabdullaahi Siraaji oo ciidamada dowladda ku dileen sanadkii tagey Muqdisho iyo Xildhibaan Saciid Xasan Geedi, oo iska geeriyooday.

28-kii bishii lasoo dhaafay ee January ayaa waxaa la qabtey doorashada Kursi kamid ah kuraasta banaan, kaasi oo ay leedahay Jufada Cali Madaxweyne, ee Beesha Xawaadle, waxaana ku guuleystay Nuur Iidow Beyle.

Doorashadaasi oo lagu qabtey Jowhar, waxaa u tartamay shan musharax oo ay kamid ahaayeen Taliyihii hore ee NISA, Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Madaxweynihii hore ee HirShabeelle, Cali Cabdullaahi Cosoble.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Somaliland oo Turkiga ku Eedeysay Faragelin

Madaxda Somaliland ayaa u arka tallaabooyinkan inay qayb ka yihiin dadaallo lagu daciifinayo maamulka.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 12:20PM

Dowladda Soomaaliya oo Abaabul Dagaal Ka Wada Shabeellaha Dhexe

Ololahan cusub ayaa qayb ka ah ballanqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa inuu qaado.

  • Soomaliya

    19-08-2025

  • 11:31AM