Ku-xigeenka gudoomiyaha Barlamanka oo imaanaya Galkacyo

Image

09 September, 2015(GO)-Waxaa maanta magalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug ku soo wajahan wafdi uu hogaaminayo gudoomiye kuxigeenka labaad ee Barlamanka dawladda Federaalka Somalia Mahad Cabdalla Cawad.

Safarka Cawad oo ah mid aan horey loo sii shaacin ayaa ilaa iyo haatan la ogeyn waxa uu salka ku hayo.

Wararka haatan ka imaanaya Galkacyo ayaa sheegay in garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ay ku suganyihiin masuuliyiin iyo bulshada qaybaheeda kala duwan si ay u soo dhaweenyaan ku-xigeenka gudoomiyaha Barlamanka Somalia Mahada Cabdalla Cawad.

Imaanshaha Cawad ayaa ku soo beegmaya iyadoo magaalada Galkacyo ku sugan yahay madaxwayanaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali "Gaas" iyo gudoomiyha Barlamanka Siciid Xasan Shire.

Wixii faah-faahin la xiriirta Safarka gudoomiyaha waxaan idiin ku soo gudbin doonnaa wararkeenna dambe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM