Xukuumadda Somalia oo ka hadashay dufaanta El nino [Dhagayso]

Image

21 Octobar, 2015(GO)-Ku-xigeenka Ra’isal wasaaraha Somalia Cumar Carte oo warbaahinta kula hadlay shirka ka dhacay magalada Muqdishu ayuu ku sheegay in xukuumadda Somalia wado dadaalo looga hortagayo waxyeelada duufaanta El nino oo la sadaaliyay inay ka dhacayso Somalia.

Cumar Carte, ayaa xusay inay muuqato saan-saanta saadaalinta duufaanta maadama Muqdishu ka da’ayeen Roobab xiriir ah, wuxuuna tilmaamay in loo baahanyahay siyaasad cad oo arrintaasi wax looga qabanayo.

Dowladda Somalia ayuu tilmaamay inay wado soo magacaabista guddi heer qaran oo loo xilsaarayo duufaanta, wuxuuna xusay inay muhiim tahay sidii DFS, maamullada dalka iyo hay’adaha caalamiga ah iska kaashaadaan samata bixinta shacabka Somaliyeed.

Waxaa jira diyaar garow xooggan oo looga tabaabushaysanayo duufaanta El nino, taasi oo dhawaan la shaaciyay inay ku dhufanayso qaybo badan oo ka mid ah Somalia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda oo kadib weerarkii Godka Jilicow oo ku dhawaaqday go'aan cusub

Wasiirka ayaa sheegay in Al-Shabaab ay beddeshay xeeladooda weerarada kadib markii laga hortagay isticmaalka gaadiidka rayidka.

  • Soomaliya

    12-10-2025

  • 01:34PM

Kiiska Faragelinta Xasan Sheekh ee Gedo oo Jubaland gaarsiisay UN-ka

Xiisadaha u dhexeeya Muqdisho iyo Kismaayo ayaa aad u sii xoogeystay, iyadoo Kenya ay ku lug yeelatay dadaallo dhexdhexaadin ah.

  • Soomaliya

    11-10-2025

  • 12:15PM