Laba qorshe oo Masar ka damacsan tahay Soomaaliya

Image

KHAAHIRA, Masar – December 6, wafdi sare oo dublamaasiyadeed oo reer Masar ah oo uu hogaaminayey Kaaliyaha Wasiirka Arimaha Dibada dalkaas ee Arimaha Afrika, Sherif Issa, ayaa booqasho ku yimid magaalada Muqdisho xilli Khaahira ay qaadeyso talaabooyin ay kor ugu qaadayso joogitaankeeda Afrika.

Wafdiga Masar waxay booqashadooda ku bilaabeen kulan ay laqaateen Wasiirka Arimaha Dibada Soomaaliya Maxamed C/risaaq si ay ugala hadlaan "horumarka kajira Soomaaliya, xaalada gobolka ee wadamada deriska ah iyo saameynta ay ku yeelan karto xasiloonida iyo ammaanka Geeska Afrika, iyo waliba qaababka lagu hormarin karo xiriirka laba geesoodka laba dal," ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar.

Cabdirisaaq ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray “Waxaan ka wada hadalnay xiriirka labada dal. [Soomaaliya] iyo [Masar] waxay wadaagaan saaxiibtinimo iyo xiriir walaaltinimo oo adag. Waxaan rabnaa inaan sii xoojino xiriirkeena".

December 7, waftigii Masar waxay ka qayb galeen furitaankii shirka Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo Beesha Caalamka oo lagu qabtay Muqdisho.

Rokha Hassan, xubin ka ah Golaha Arimaha Dibadda ee Masar, ayaa u sheegtay Al-Monitor in booqashada ay ka tarjumeyso rabitaanka Masar ee ah inay sare u qaado xiriirka ay la leedahay Soomaaliya, maadaama labada dal ay wadaagaan xiriir wanaagsan oo taariikhi ah oo soo jiray ka hor xoriyadii Soomaaliya sanadkii 1960.

"Khaahira sidoo kale waxay Soomaaliya dhistay iskuulo, iyadda oo u dirtey ergooyin waxbarasho oo aqoontooda ku taakuleeyay," ayuu raaciyay.

Wuxu ku daray: "Laakiin markii dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya uu sii kululaaday bilowgii 1990-kii iyo xasillooni-darradii halkaas ka jirtay, xiriirkii labada dal wuxuu ahaa mid is-mari-waa ku yimid, waxaana la weeraray Safaaradda Masar, oo ay wehliyaan safaarado kale oo ajnabi ah. Xarunta ugu weyn ee safiirka Masar waxaa loo raray magaalada Nairobi ee dalka Kenya si amaankiisa loo sugo. Xiriirkooduna wuu is bedbedalayay tan iyo markaas, ”ayuu yiri Xasan.

Booqashada waftiga Masaarida ayaa imaanaysa bilo kadib markii xiisada ay ka dhalatay talaabo ay Muqdisho albaabada isugu dhufatay xafiisyadii waxbarasho ee Masar ee Soomaaliya bishii May iyadoo Khaahira lagu eedeeyay "la shaqaynta Puntland kana weecatay dawladda federaalka ee Muqdisho".

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar Ahmed Hafez iyo Wasiirka Waxbarashada Masar Tarek Shawky ayaan ka jawaabin codsiyo dhowr ah oo ku aadan in ay ka falceliyaan talaabadaas.

Xasan wuxuu ku qeexy dhacdadii May inay ahayd "xaalad deg-deg ah oo ka dhalatay is-faham la'aan iyo in Soomaaliya ay Masar uga baahnayd caddaynta iyo sharraxaadda sababta la xiriiradda maamulka Puntland iyo in ay khuseysay is-dhaafsiga ganacsiga iyo wax kale."

Masar ayuu tilmaamay in ay taageerto midnimada Soomaaliya ayna dooneyso inay gaarto xasilooni, horumar iyo dib u dhis halkaas.

Waxaa intaa dheer, bishii Maarso, Muqdisho ma aysan taageerin Qaahira markii ay diiday qaraar qabyo ah oo ay horgeysay Jaamacadda Carabta laguna cambaareynayo talaabooyin hal dhinac ah ah oo Itoobiya u qaadey biyo xireenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD).

Mukhtaar Ghobashy, oo ah ku xigeenka madaxa Xarunta Carabta ee Daraasaadka Siyaasadeed, ayaa booqashada wefdiga diblomaasiyadeed la xiriiriyey tallaabada ay Masar u qaadeyso galaangalkeeda Afrika mudadii uu xukunka joogay madaxweyne Abdel Fattah al-Sisi.

Wuxuu u sheegay Al-Monitor in booqashada ay ka tarjumeyso isku dayga Masar ee ah inay door weyn ku yeelato arrimaha Soomaaliya iyadoo ujeedadu tahay abaabulida taageero farsamo oo ku saabsan arinta GERD oo dhinac ah iyo in laga hortago is-balaarinta Turkiga ee dhinaca kale ah.

Tan iyo markii uu Siisi xukunka qabtay 2014, siyaasada Masar ee ku wajahan Afrika way isbadashay kadib dhibaatadii ka soo gaadhay maqnaanshaha midowga Afrika tan iyo isku daygii dil ee fashilmay ee Madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubaarak ee ku dhicisoobay Addis Ababa 1995.

Masar ayaa hada doonaysa inay hagaajiso muuqaalkeeda Afrika, inay ilaaliso danaheeda ayna xoojiso mowqifkeeda ku aadan arrinta GERD.

Ghobashy ayaa yiri, “Tallaabada ay Masar ka qaaday Afrika waxay inta badan diiradda saaraysaa arrinta GERD. Haddana Masar waxay ka walaacsan tahay arrin kale oo ka taagan Soomaaliya, taas oo ah saameynta balaaran ee Turkiga".

Saddex maalmood kahor booqashada wefdiga Masar, C / risaaq wuxuu la kulmay 3-dii Diseembar safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho, Muhammad Yilmaz.

C / risaaq wuxuu yiri, “Turkiga si isdaba joog ah ayuu noo garab istaagay. Turkiga wuxuu na siiyaa kaalmo militari, mid horumarineed wuxuuna si deg deg ah nooga soo jawaabey aafadda COVID19".

Xasan ayaa tibaaxay: "Nasiib darro, sannadihii la soo dhaafay, dalal ay ka mid yihiin Turkiga waxay awood u yeesheen inay ku soo dhex-dhuuntaan Soomaaliya iyagoo gargaar bixinaya, illaa ay ka guuleysteen inay xarun milatari ka dhigtaan (saldhig) magaalada Muqdisho sanadkii 2017. Sidaa darteed, Masar waxay ahayd inay xoojiso xiriirkeeda Soomaaliya unala dhaqanto si dheelatiran".

Ghobashy wuxuu rumeysan in waftiga Masar laga yaabo inay ka wada hadleen intii ay booqashada ku joogeen Soomaaliya sidii saldhig Milateri uu Masar kaga dhisan lahaa magaaladda Muqdisho.

Soomaaliya ayuu carabka ku dhuftey in ay wajaheyso caqabad weyn markii ay soo ifbaxdey in Al-Shabaab ay gacan saar la leh shabakadda Al-Qaacida.

"Malaha Masar waxay ku bixineysaa khibradeeda ku wajahan ururada xagjirka ah," ayuu ka shanqariyey isaga oo aan cid gaar ah bartilmaameedsan.

Dhanka kale, ciidamada qalabka sida ee Masar waxay soo dhoweeyeen 6-dii Dec. wafdi ka socda kooxda kubada cagta ee Horseed, oo uu leeyahay ciidamada Soomaaliya, kana qeybgalay Koobka Confederation Cup.

Taliska wuxuu kooxdan kubadda cagta ah ee ka timid Soomaaliya uu siiyay goobo tababar iyo adeegyo caafimaad ay adeegsadaan inta ay joogaan Masar.

Cumar Maxmuud, oo ah falanqeeyaha guud ee galka Soomaaliya ee Kooxda Dhibaatooyinka Caalamiga, ayaa sheegay in booqashada wafdiga Masar ay timid xilli xasaasi u ah Soomaaliya, maaddaama doorashada madaxweynaha iyo baarlamaanka ay dhowdahay, saaxiibo badan oo caalami ahna ay dusha sarre kala socdaan si ay u qiimeeyaan xaaladda.

Maxamuud ayaa u sheegay A-Monitor, "Ma hubo illaa iyo inta uu xiriirka Masar iyo Soomaaliya uu is beddelay muddo xileedka Sisi."

Sidaas oo ay tahay, Maxamuud wuxuu carabka ku adkeeyay in Masar ay dooneyso inay sii wado xiriirkeeda ay la leedahay Soomaaliya si ay ugu sii sugnaato saldhigga Geeska Afrika marka laga hadlayo dagaalka socda ee ay kula jirto Itoobiya ee ku saabsan arrimaha GERD.

Masar, Itoobiya iyo Suudaan waxay wadaxaajood adag kula jireen GERD muddo toban sano ah, ujeedkuna wuxuu ahaa in heshiis laga gaadho hawlgalka iyo buuxinta biyo-xidheenka, oo ay Masar u aragto "khatar kusoo wajahan saamiga ay ku leedahay biyox-xireenka.

Maxmuud ayaa ku daray "Dhibaatada GERD waxay Soomaaliya gelisay xaalad adag sababo la xiriira cilaaqaadka ay la leedahay Itoobiya iyo Masar, Soomaaliyana waxay isku dayday inay mar uun isu muujiso dhexdhexaadiye. Si kastaba ha noqotee, uma muuqato in labada dhinac midkoodna arintan si dhab ah u qaatay.

Maxmuud wuxuu ku soo gabagabeeyay: "Abuuritaanka xiriirka Soomaaliya iyadoo loo eegayo loolanka ballaaran waa istiraatiijiyad halaag u ah dhinacyada oo dhan Soomaaliya ma ahan inay noqoto garoon ay ku baratamaan kuwa iska soo horjeeda".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Seychelles oo bilaabaysa maxkamadeynta burcad-badeed Soomaali ah

Raggan ayaa loo haystaa weerar lagu qaaday markabka Chrystal Arctic oo sitay calanka Jaziirada Marshall.

  • Soomaliya

    18-05-2024

  • 03:42AM

War-murtiyeed laga soo saarey shirka Golaha Wadatashiga Qaranka

Shirka 9-aad ee Golaha Wadatashiga Qaran ayaa kusoo dhamaadey magaaladda Muqdisho.

  • Soomaliya

    17-05-2024

  • 04:03PM