Labo mileeshiyo beeleed oo ku dagaalamay gobolka Hiiraan

Image

March 21, 2015 (GO)- Dagaal ayaa saaka mar kale dib uga qarxey deegaanka Deefow ee gobolka Hiiraan, halkaasoo dhowr mar oo hore labo mileeshiyo beeleed ugu dagaalameen.

Ugu yaraan shan qof oo labada dhinac ka kala tirsanaa ayaa lagu soo warramayaa inay dagaalka ku geeriyoodeen.

Iska hor imaadka ayaa bilowdey kadib markii mid kamid ah labada mileeshiyo soo weerartay goob fariisin u ahayd mileeshiyada kale.

Colaadda saaka dib usoo cusboonaatey oo soo jiitameysey muddo dhowr sano ah waxay salka ku haysaa aano qabiil iyo muran ka dhashay dhul daaqsimeedka.

Dowladda Federaalka ayaa guddi u saartey xal u helista dagaal beleedyada soo noq noqdey ee deegaanka Deefow, waxaana jirey heshiisyo badan oo horay cooladan looga gaarey kuwaasoo aan weli si buuxda loo dhaqan gelin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM