Lafta-Gareen oo Kismaayo u tagey arin la xiriirta doorashadda

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Madaxweyne Lafta-Gareen ayaa Maanta gaarey magaaladda Kismaayo, halkaasoo uu kusoo dhaweeyay dhigiisa Jubaland Axmed Madoobe.

Lafta-Gareen ayaa u tagey Kismaayo inuu kulan gaar ah la yeesho Axmed Madoobe, kaas oo ay uga hadlayaan arrimaha siyaasadda iyo doorashooyinka.

Wararka ayaa sheegaya in labada Madaxweyne ay si gaar ah uga hadlaan kuraas kamid ah Aqalka Hoose, oo ay u tartamayaan musharixiin kasoo jeeda Koonfur Galbeed, kuwaasoo Lafta-gareen uu doonayo inuu go'aan ku yeesho.

Axmed Madoobe iyo Lafta-gareen ayaa kuraasta la raba rag aad ugu dhow, kuwaasoo kuraastooda taalla Kismaayo. Lafta-Gareen ayaa la sheegay inuu doonayo kuraasta inay kusoo baxaan shaqsiyaad uu wato, oo Villa Somalia ku dhaw.

Jubaland ayaa kamid ah maamulada siyaad ahaan kasoo horjeeda Villa Somalia, waxaana lagu doortey Xildhibaano aan muxaafidka Farmaajo ahayn, iyadoo Lafta-gareen uu soo saarey xubno isaga doorashadooda saameyn ku lahaa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM