Laftagareen oo u dabaaldegay afar sano guuro xilli uu gadood jirto

Image
Damaashaadkan ayaa kusoo hagaagay saacado kadib markii saraakiil ay iclaamiyeen "Badbaadada Koonfur Galbeed".

MUQDISHO, Soomaaliya - Madaxwayne Cabdicasiis Xasan Maxamed [Laftagareen] ayaa waxa uu u dabaal-degay in uu afar sano xilka joogay xilli ay taagan tahay xiisada siyaasadeed oo ku aadan xilheyntiisa ay sii kordheyso.

Laftagareen ayaa xalay wuxuu xarunta Madaxtooyadda maamulkiisa kaga qeybgalay munaasabad aad loo maalgeliyey ayna kasoo muuqdeen mas'uuliyiin kala duwan oo u badan Xildhibaano.

Dabaaldegan ayaa kusoo beegmaya saacado kadib markii cutubyo ka tirsan ciidamadda maamul goboleedka ay ku dhawaaqeen wax ay ugu magacdareen "Badbaadada Koonfur Galbeed".

Saraakiishan oo shir jaraa'id ku qabtey magaaladda Baydhabo ayaa sheegay in ay kasoo horjeedaan "muddo kororsiga aan dastuuriga ahayn" ee Koonfur Galbeed iyaga oo ku baaqay "doorasho xor ah".

Qabashadda doorasho heshiis lagu yahay oo waqtigeeda ku dhacda ayay ku baaqeen "kahor inta xaaladda faraha ka bixin". Digniintan ayaa loo fasirtey in xaalada isku-rogi karta gacan ka hadal.

"Madaxwayne Laftagareen waxaan leenahay saaxiibkeena ayaa tahay, ha isku-dayin handadaada iyo qori, waxa aad raadineyso inta aad iska daysid doorasho si nabad ah ku qabo," ayay tibaaxeen.

Midowga Murashaxiinta madaxtinimada Koonfur Galbeed oo dhowaan shir degdeg ah ku yeeshay magaala madaxda Muqdisho ayaa si adag u qaadacay qodobadii kasoo baxay wadahadaladii guddoomiye Aadan Madoobe iyo madaxwayne Laftagareen.

Heshiiskaas ka koobnaa lixda qodob ayay ku tilmaameen “go'aano dib—u—dhigaya dib-u-heshiisiinta la filayay kahor dhamaadka muddo xileedka" hogaamiyaha Koonfur Galbeed.

Hogaanka maamulka xaruntisa ku meelgaarka ah ay tahay magaaladda Baydhabo ayay ku eedeeyeen "afduubka iyo caburinta siyaasiyiinta iyo murashaxiinta".

"Waxaan wali Koonfur Galbeed ka jira dhaqankii ay shantii sano lasoo dhaafay shacabka iyo siyaasiyiinta Soomalaiyeed ay ka dhiidhinayeen sidda caburin, caga-jugleyn iyo is-hortaaga hogaamiyeyaasha siyaasada," ayay sheegeen.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM