​Liiska Murashaxiinta Guddoonka Aqalka Sare oo la shaaciyay

Image

MUQDISHU, Somalia- Guddiga KMG ah ee qaban-qaabada doorashada Guddoonka  aqalka sare ayaa maanta gelinkii dambe kusoo bandhigay magaalada Muqdishu Murashaxiinta u taagan xilalka Gudoomiyaha iyo Labadiisa ku xigeen.

Guddiga Doorashada Aqalka sare ee Baarlamaanka cusub, ayaa waxa uu soo saarey liiska Murashaxiinta, kuwaas oo ay kasoo wado muuqdeen wajiyo badan, oo ku cusub siyaasadda dalka Sooomaaliya.

Labo Murashax ayaa u taagan xilka Gudoomiyaha kuwaasi oo kala ah Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Mustaf Maxa'uud Qoodax, halka Labada ku xigeenna ay u tartamayaan min Todobo Murashax.

Xildhibaan Maxamed Cusmaan Faarax (Dhagajuun) oo ah Guddoomiyaha guddiga qaban-qaabada Doorashada Aqalka sare, ayaa sheegay in doorashada dhacaysa 22-ka Bishan January, 2017.

Doorashada Aqalka sare ayaa dhacaysa, xilli ay dhawaan Xildhibaanada aqalka hoose Muqdishu ku doorteen Afhayeen iyo ku xigeenadiisa, waxaana la filayaa in labada aqalka ay soo xulaan Madaxweynaha dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Fiqi oo Difaacay Ururka Jaamacadda Carabta Kaddib Dhaliil ka Timid Itoobiya

Safiirka dalka Itoobiya ee Muqdisho, Suleyman Dedefo, ayaa dhankiisa ku eedeeyay Jaamacadda Carabta.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 06:46PM

Mareykanka oo Xaqiijiyay Taageeradiisa Soomaaliya ee La Dagaallanka Al-Shabaab iyo Daacish

Maamulka Trump ayaa kordhiyay duqeymaha cirka ee dalka Soomaaliya, oo la eegnayo Al-Shabaab iyo ISIS.

  • Soomaliya

    10-09-2025

  • 12:52PM