Liiska Xildhibaanada baarlamaanka labaad ee HirShabelle oo la shaaciyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga farsamadda doorashooyinka HirShabelle ayaa magaala madaxda Jowhar waxay kaga dhawaaqeen liiska sharci-dejiyeyaasha baarlamaanka labaad ee maamulkaas.

Tirada mudaneyaasha ayaa ka kooban 90 mudaneyaal kuwaas oo lagu waddo in maalmaha soo aadan la dhaariyo ayna yeeshaan kulankoodii ugu horeeyay kuna doortaan guddoon ku meelgaar ah.

Guddoonka ku meelgaarka ah ayaa qaban-qaabin doona doorashada Afhayeenka iyo labadiisa ku xigeen oo rasmi ah, waxaana xigi doona coddeynta madaxtinimada, sidda jadwalka ku cad.

Sidda xeer-hoosaadka xeerinayo, xubinta ugu da'da weyn Golaha Wakiilada ayaa noqon doonta sii-haayaha guddoomiyaha inta guddoonka rasmiga laga dooranayo.

Shaacinta ayaa timid iyaddoo geedi u socodka soo xulista Xildhibaanadda ay hareeyeen eedeymo ku saabsan in Villa Soomaaliya iyo taliska nabad-sugida ay faragelin xoogan ku sameeyeen.

Madaxtooyadda iyo hay'adda sirdoonka ayaa la wariyey in ay guddiga iyo odayaasha dhaqanka u gudbiyeen liis ay Xildhibaano ku qoran yihiin kuwaasoo u badan xubno taabacsan dowladda.

Warar ayaa tibaaxaya in qorshaha ay dowladda u qortay Xildhibaanada taageersan uu la xiriiro in ay soo xulaan Senator soo saara madaxweyne Farmaajo marka loo dareero doorashada qaranka.

Villa Soomaaliya ayaa horey u faragelisay doorashooyinkii Koonfur Galbeed iyo Galmudug si ay uga hesho natiijo ka qoslisa, balse waxay dharbaaxo xoogan kala kulantay coddeyntii Puntland iyo Jubaland.

Hoos ka akhriso magacyadda Xildhibaanadda

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM