Liiska Xildhibaanada baarlamaanka labaad ee HirShabelle oo la shaaciyey

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guddiga farsamadda doorashooyinka HirShabelle ayaa magaala madaxda Jowhar waxay kaga dhawaaqeen liiska sharci-dejiyeyaasha baarlamaanka labaad ee maamulkaas.

Tirada mudaneyaasha ayaa ka kooban 90 mudaneyaal kuwaas oo lagu waddo in maalmaha soo aadan la dhaariyo ayna yeeshaan kulankoodii ugu horeeyay kuna doortaan guddoon ku meelgaar ah.

Guddoonka ku meelgaarka ah ayaa qaban-qaabin doona doorashada Afhayeenka iyo labadiisa ku xigeen oo rasmi ah, waxaana xigi doona coddeynta madaxtinimada, sidda jadwalka ku cad.

Sidda xeer-hoosaadka xeerinayo, xubinta ugu da'da weyn Golaha Wakiilada ayaa noqon doonta sii-haayaha guddoomiyaha inta guddoonka rasmiga laga dooranayo.

Shaacinta ayaa timid iyaddoo geedi u socodka soo xulista Xildhibaanadda ay hareeyeen eedeymo ku saabsan in Villa Soomaaliya iyo taliska nabad-sugida ay faragelin xoogan ku sameeyeen.

Madaxtooyadda iyo hay'adda sirdoonka ayaa la wariyey in ay guddiga iyo odayaasha dhaqanka u gudbiyeen liis ay Xildhibaano ku qoran yihiin kuwaasoo u badan xubno taabacsan dowladda.

Warar ayaa tibaaxaya in qorshaha ay dowladda u qortay Xildhibaanada taageersan uu la xiriiro in ay soo xulaan Senator soo saara madaxweyne Farmaajo marka loo dareero doorashada qaranka.

Villa Soomaaliya ayaa horey u faragelisay doorashooyinkii Koonfur Galbeed iyo Galmudug si ay uga hesho natiijo ka qoslisa, balse waxay dharbaaxo xoogan kala kulantay coddeyntii Puntland iyo Jubaland.

Hoos ka akhriso magacyadda Xildhibaanadda

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafka doorashooyinka oo sii xoogeysanaya, Puntland iyo Jubaland oo isaga baxay wada-hadallada Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan weli si rasmi ah uga hadlin wararka ku saabsan bixitaanka wafdiyada Jubbaland iyo Puntland.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 12:34PM

Turkiga oo kordhiyay Maalgelinta Soomaaliya, balse muwaadiniinta Soomaaliyeed u diiday E-Visa

Soomaaliya ayaa weli ah dal muhiim u ah istiraatiijiyadda gobolka, sababo la xiriira goobta ay ku taallo iyo fursadaha kheyraad ee ay leedahay.

  • Soomaliya

    22-07-2026

  • 08:50AM