Luga-dheere: " Al-shabab waan ka xoreynaynaa Jubbooyinka"

Image

March 24, 2015 (GO)- Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Jubaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud (Luga-dheere) ayaa sheegay in dhowaan ciidamada Jubaland oo kaashanay kuwa AMISOM bilaabi doonaan wejiga labaad e hawgalka ka dhanka ah Al-shabaab ee loogu magac daray Gol iyo Gabiib.

Luga-dheere oo la hadlay idaacadda ku hadasha afka Jubaland ee Radio Kismaayo, wuxuu sheegay in wejigii koowaad ee hawlgalkan ciidamada Jubaland kula wareegeen deegaano ay kamid yihiin: Afar-mirood, Goobweyn, Lug-loow iyo Yoontooy.

"ciidamada AMISOM iyo kuwa Jubbaland oo iskaashanaya ayaa howlgalka si wadajir ah u fulin doona...wuxuu noqon doonaa kii ugu dambeeyey ee Al-shabaab looga sifeynayo gobollada Jubbooyinka iyo Gedo"ayuu yiri.

Saddex maalmood kahor ayey ahayd markii ciidamada Jubaland oo garabsanaya kuwa Kenya ee qaybta ka ah AMISOM ay si nabad ah kula wareegeen jaziiradda Kudhaa.

Magaalada Kismaayo waxaa weli ka soconaya shirka soo xulista xildhibaannada barlamanka Jubaland kaasoo galay wejigiisii ugu dambeeyey. Dhowaan ayaa la filayaa in la dhaariyo xubnaha barlamanka islamarkaana ay hoggaan doortaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM