​Maalinta Afka oo laga xusay Somalia

Image

Magaalooyinka waaweyn ee Somalia qaybo kamid ah ayaa lagu qabtay munaasabado loogu dabaal dagayay maalinta caalamiga ah ee Afka iyadoo lagu soo bandhigay ibadalka ku yimi Af-Somaliga. 

21 Febrayo, oo hay'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Waxbarashada, Sayniska iyo Dhaqanka ee UNESCO u aqoonsatay maalinta Afka hooyo ayaa dal walba kaga hadlaa luuqadiisa iyo isbadalka ku dhacay. 

Balse, Somalia ayaa kamid ah dalalka Afkoodu sii dabar go'ayo waxaana barxay luuqado kale oo qalaad taasoo ay sababeen dagaallada iyo colaadaha ka jira waddanka Somalia. 

Xaflado lagu qabtay Garowe iyo Muqdishu ayaa lagu muujiyay sida lagama maarmaanka u tahay in kor loo qaado luuqadda Somaliga iyadoo madaxda waddanka laga codsaday inay kaalin ka qaataan qaabkii lagu yarayn lahaa dhalan rogga ku dhacay Afkeenna hooyo. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM