Maalmaha ciidamadda Mareykanka ka jooga Soomaaliya oo tirsamaya

Image

WASHINGTON, USA – Isbedelada uu madaxweyne Donald Trump bilaabay in uu ku sameeyo Wasaarada Gashaandhiga Mareykanka ayaa qayb ka ah qorshaha uu dibada uga soo celinayo ciidanka Ameerika, sidda ay warisay saxaafada.

Trump ayaa todobaadkii hore eryay Mark Esper, wasiirkii gaashaandhiga, kadib markii ay isku-khilaafeen in banaan-baxayaasha loo adeegsado ciidanka.

Wargeyska Washington Post ayaa mas'uul kamid ah maamulka Trump wuxuu kasoo xigtay in madaxweynaha looga adkaaday doorashadii u dambeysay uu wali quudareynayo in ciidanka Mareykanka laga soo celiyo dalalka caalamka.

"Wuxuu u arkaa in Wasaaradda Difaaca ay hogaamin karto ololihiisa ku wajahan arrintaan," ayuu yiri mas'uulkan codsaday in aan la carabaabin magaciisa.

Mas'uul kale oo magaciisa ka gaabsada ayaa intaas ku daray in dalalka uu Trump doonayo in ciidanka laga soo saaro kala yihiin Soomaaliya iyo Afghanistan.

"Doodaan waxay aad u hareysay Aqalka Cad oo amar ku bixisay in lagu daro howl-shaqeedka maalinlaha ah," ayuu hadalkiisa ku daray mas'uul xogta haya.

Mareegga The Intercept ayaa warbixin uu qoray Arbacada todobaadkii hore wuxuu ku qeexay in qorshahaan uu Trump fulinayo bilooyinka soo aadan.

"Madaxweynaha wuxuu doonayaa in uu isbedel ku sameeyo siyaasada arrimaha dibadda kahor inta uusan xafiisku faarujin. Sidoo kale, wuxuu Wasaaradda Difaaca ka doonayaan in ay ciidamada kasoo celiso dalalka shisheeye daqiiqadaha ugu dambeeya ee xil-heyntiisa," ayaa lagu yiri faalada uu qoray Lee Fang.

CNN ayaa illo wareedyo kasoo xigtay in sababa loo eray Esper ay kamid tahay in uu kasoo horjeestay in askarta Ameerikaanka laga soo saaro Afghanistan.

Jariiradda arrimaha ganacsiga ka faaloota ee Bloomberg ayaa bishii October waxay carabka ku dhufatay in qorshaha Trump ciidanka uga soo saarayo Soomaliya iyo Afghanistan ay kamid tahay ololihiisa doorashooyinka.

Askarta Ameerikaanka ee jooga Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa 500, halka tirada ka joogta Afghanistan lagu mala-awaalo in ay gaarayaan 4,000 askar ah. Madaxda labada dal waxay ka walaacsan yihiin qorshaha maamulka Donald Trump.

Isla bishii October, Trump ayaa Twitter-ka ku shaaciyey in waajib ay tahay in ciidamada Mareykanka ay Afghanistan ka baxaan marka gaaro Christmas-ka.

Sanadkii 2019-kii, sii-haayaha wasiirka cusub ee difaaca Mareykanka, Christopher Miller, ayaa taageera in askarta Ameerikaanka kusoo guriya noqdaan isagoo yiri "ma ah in ay kasoo hayaamaan Afghanistan, waa in ay kasoo cararaan".

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM