Maamul loo samaynayo Buur-hakaba

Image

27 September, 2015(GO)-Degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay waxaa ku sugan mas'uuliyiin ka socota maamulka Koonfur Galbeed Somalia, kuwaasi oo qorshaynaya sidii degmada maamul loogu samayn lahaa.

Wafdiga oo isugu jira wasiirro, maamulka gobolka Baay, iyo hay'addo Samafal ayaa sidoo kale degmada u tagay qaabkii wax looga qaban lahaa xaalad Biyo la'aan oo soo foodsaartay dadka deegaanka.

Madaxda degmada tagtay ayaa sheegay inay wax ka qaban doonaan sidii dhibka ka jira Buur-hakaba.

Muddooyinkii dambe degmadu malahayn wax maamul ah, waxaana jira dadaalo mas'uuliyiinta Koonfur Galbeed Somalia ku doonayaan sidii degmada uga sameyn lahaayeen maamul.

GAROWEONLINE

Related Articles

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM