Maamulada oo shaaciyey mowqifkooda xaaladda dalka

Image
Hogaamiyeyaasha shanta dowlad goboleed ee waddanka ayaa soo saarey bayaan kadib kulan deg-deg ah oo ay yeesheen.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hoggaamiyayaasha Maamulada Soomaalida oo kulan deg-deg ah ku yeeshay Zoom-ka ayaa soo saaray bayaan ay kaga hadlayaan xiisadda siyaasadeed ee dalka.

Warsaxaafadeedka ayaa diiradda lagu saaray baahida loo qabo in madaxda federaalka ay xalliyaan khilaafaadkooda, lana dedejiyo qabsoomidda doorashooyin Dalka ee Dibka u dhacay.

Bayaanka oo ka kooban laba bog uuna nuqul kamid ah arkay warsidaha Garowe Online ayaa u muuqda mid dhexdhexaad ah oo aan eedda khilaafka midna dusha uga tuureyn.

Ilo xog ogaal ah ayaa u sheegay mareegga GO in madaxweyne Qoorqoor-ka hogaamiya Galmudug uu diiday in qoraalkaasi si cad loogu eedeeyo madaxweynaha xilkiisu dhamaadey.

Madaxda Maamulada Soomaaliya ayaa sida ku xusan war-saxaafadeedka ay soo saareen, waxay sidoo kale isku raacay in caasimada Garoowe lagu shiriyo 21-23 September.

Kulanka soo socda ayaa looga hadli doonaa qabsoomidda doorashooyinka iyada oo aan casuumaad lagu darin RW Rooble oo ahaa mas’uulkii qabanqaabiyay doorashooyinka dalka.

Is-aragan wuxuu kusoo beegmayaa iyadda oo waddanka galay xaalad siyaasadeed kaasoo salka ku haya kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo lala xiriirinayo hogaanka hay'adda sirdoonka qaranka.

May be an image of text

May be an image of text

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka Soomaaliya oo diiday jadwalka doorashooyinka 2027, kuna tilmaamay hannaan hal dhinac ah

Sida ku cad jadwalka uu guddigu shaaciyay, doorashooyinka labada aqal ee baarlamaanka federaalka ayaa la qaban doonaa 15-ka Abriil 2027.

  • Soomaliya

    15-10-2026

  • 12:20PM

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM