​Maamulayaal goobo waxbarasho oo lagu xiray Jowhar

Image

JOWHAR, Somalia- Ciidamada ammaanka degmada Jowhar ee gobolka Shabeellaha dhexe ayaa xabsiga dhigay Maamulayaasha dhowr iskuul oo ku  yaalla xarunta maamulka HirShabeelle.

Xubnaha la xiray oo ilaa hadda aan la shaacin Magacyadooda iyo Iskuulada ay horjoogayaasha u yihiin ayaa lagu eedeeyay inay booqdeen deegaanka Gamboole oo 40KM dhanka Galbeed kaga beegan magaalada Jowhar.

Gamboole, waxaa gacan ku haysa kooxda Al Shabaab, kuwaasoo dhawaan soo saaray amar ku aadan in dadweynuhu aysan gayn carruurtooda Iskuulada dowladda iyagoo ku dhaliilay inay barayaan dhallaanka dhaqanka reer Galbeed.

Balse, dowladda oo arrintaas ka hadlaysay waxay sheegtay in laga fogaado Afkaarta Shabaab, maadama ay carruurta ku hagayaan Fikirka Xagjiriinta iyo Askaraynta Carruurta.

Maamulayaashan oo lagu qabtay Kantaroolka xilli saaka ay soo galayeen magaalada, ayaa lagu haystaa sababta ay u booqdeen deegaanka, waxaana lagu eedeeyay inay qaateen afkaarta Al Shabaab.

Inkastoo aysan ilaa hadda wax war ah kasoo bixin maamulka gobolka iyo ka degmada, hadana waxaa raggan lagu hayaa xabsiga dhexe halkaasoo lagu weydiinayo su'aalo la xariira booqashadooda deegaankaas iyo inay la kulmeen xubno katirsan Al Shabaab.

Tallaabadan ayaa kusoo aaday xilli gobolka Shabeellaha dhexe qaybo kamid ah gacanta ku hayso kooxdan oo dagaal kula jirta dowladda Somalia iyo ciidamada taageera ee AMISOM.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xiisadda siyaasadeed ee Soomaaliya oo saameyn ku yeelatay amniga iyo dagaalka Al-Shabaab

Khilaafkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay ciidamada dowladda Soomaaliya weli wadaan howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 12:18PM

Abiy Axmed oo sheegay inuu Xasan Sheekh kala hadlay saddex qodob oo muhiim ah

Abiy Axmed ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh kala hadlay dhaqaalaha, amniga iyo xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    30-06-2026

  • 06:13AM