Maamulka Biden oo "qaadaya" xayiraad saaran Soomaaliya

Image
Tan iyo markii la saaray cunaqabateyntan, xaaladda Soomaaliya ayaa si weyn isu beddeshay.

NEW YORK, USA – Xildhibaan Ilhaan Cumar oo katirsan aqalka Koongareeska Maraykanka ayaa warqad u qortay Maamulka madaxweyne Joe Biden, taasoo ku baaqaysa in dib u eegis lagu sameeyo cunaqabateyn la saaray Soomaaliya 2010 iyo 2012, taas oo aan wali laga qaadin.

Tan iyo markii la saaray cunaqabateyntan, xaaladda Soomaaliya ayaa si weyn isu beddeshay. Ilhan Omar ayaa warqadda ku weydiinaysa maamulka Biden sida siyaasadda cunaqabateynta ay u ciyaareyso istiraatiijiyadda ballaaran ee Soomaaliya.

April, 13, 2010, Madaxweynihii hore ee Maraykanka, Barack Obama ayaa soo saaray amar fulineed oo cunaqabatayn dhaqaale ku soo rogaya dadka ka qayb qaadanaya xaaladda sii xumaanaysa ee Soomaaliya, oo ay ku jiraan falalka budhcad-badeedda ee xeebaha Soomaaliya.

Maraykanka ayaa oggolaaday adeegsiga xeerka Awoodaha Dhaqaale ee Degdegga ah ee Caalamiga ah (IEEPA) iyada oo laga jawaabayo khatarta amniga qaranka Mareykanka iyo siyaasadda arrimaha dibadda. Cunaqabateynta ayaa isla markiiba dhaqan gashay.

Cunaqabataynta waxaa kamid ah in shakhsiyaadka ama hay'adaha ku hawlan yahay falal si toos ah ama si dadban u khatar gelinaya nabadda, amniga, ama xasilloonida Soomaaliya, in lagusoo rogo xanibaad ka dhan ah hantidooda Maraykanka u taala.

Bishii Janaayo ee sannadkii 1992-kii ayaa ayaa markii ugu horreysay qaraar ka soo baxay golaha amaanka oo uu tirsigiisu ahaa 733 cunaqabateynta hubka lagu saaray Soomaaliya, xilligaasoo ahayd 1 sano ka dib markii ay burburtay dowladdii dhexe.

Bishii Juun ee sannadkii 2001-dii, qaraar uu tirsigiisu ahaa 1356 oo ka soo baxay golaha amaanka ayaa dib u eegis loogu sameeyay xayiraadda hubka ee Soomaaliya, waxaana laga soo reebay hubka qaar iyo qalabka milatariga oo cayiman, si loogu adeegsado howlaha la xiriira bani'aadanimada.

Bishii Luulyo ee sannadkii 2002-dii, qaraar uu tirsigiisu ahaa 1425 oo ka soo baxay golaha ammaanka ayaa lagu kala caddeeyay hubka laga mamnuucay Soomaaliya waxaana lagu qeexay in cunaqabateynta ay ka mid tahay mamnuucitaanka ka ganacsiga hubka.

Bishii Diseembar ee sannadkii 2006-dii, qaraar uu tirsigiisu ahaa 1725 oo ka soo baxay golaha amaanka ayaa xayiraaddii hubka looga qaaday Soomaaliya.

Qaraarkaas ayaa u oggolaaday urur goboleedka IGAD iyo midowga Africa iney faragalin ku sameeyaan xaaladda Soomaaliya ayna ciidamo ka socda waddamada gobolka geeyaan si ay gacan u siiyaan dowladda Soomaaliya ee taageerada ka heysata Qaramada Midoobay isla markaana ay ka soo hor jeedeen kooxaha hubeysan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Villa Somalia oo shaacinaysa jadwalka doorashada federaalka ee 2027, iyadoo aan heshiis siyaasadeed laga gaarin

Sida ay wararku sheegayaan, jadwalka la diyaariyay ayaa dhigaya in doorashada federaalka lagu qabto muddo 180 maalmood ah.

  • Soomaliya

    14-10-2026

  • 02:17PM

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM