Maamulka degmada Balad-xaawo oo go'aan kasoo saaray Guurka
BALAD-XAAWO, Somalia- Maamulka degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo, ayaa amar kasoo saaray kharashaadka ku baxa guurka taasoo muddooyinkii dambe sare u kacayay, taasoo dhalisay in dad badan ku dhiiran waayaan.
Guddoomiyaha degmada Balad-xaawo, ayaa warbaahinta u sheegay inay xadideen lacagaha tirada badan ee dadku ku kharash gareeyaan Guurka, taasoo sare u dhaafta Kumanaan doollar, wuxuuna taas badalkeeda xusay inay ka dhigeen qadar dhan $600.
Yuusuf Maxamed Cabdulqaadir, guddoomiyaha degmadaas oo wareysi siinayay laanta afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa mar wax laga weydiiyay sababta ay arrintaan usameynayaan ku sheegay inay doonayaan dhalinyaradu ka baaqsadaan tahriibka sidoo kalena ay tarmaan umada Soomaaliyeed.
Mudane Yuusuf, wuxuu sidoo kale baaq u diray maamullada kale ee ka jira degmooyinka Somalia, wuxuuna ugu yeeray inay qaataan fikraddan si waxbadan isaga badaal dhinaca Guurka.
Dhanka kale waxa uu sheegay lacagta layayeeray in ay tahay oo kaliya mida kubaxda guurka balse meherka ay u madax banaantahay gabadha laguursanayo.
Majirto ilaa hadda wax war ah oo kasoo baxay bulshada degmada Balad-xaawo, balse waxaa hubanti ah in badan oo kamid ah dhalinyarada inay soo dhaweyn doonaan halka kuwa kale laga yaabo inay si kale u arkaan.
Tallaabadan ayaa timid xilli meelaha qaar dalka Somalia guurku aad ugu culusyahay dhalinyarada, maadama laga doonayo lacago badan oo meher iyo kharaska guurka isugu jira, waxaana taas keentay inay sii badato qulqulka da'yarta ee ay u tahriibayaal qurbaha, halka kuwo kale ay dalka joogaan iyagoo ka cabsanaya yaqleelidda qoys cusub.
GAROWEONLINE