Maamulka Farmaajo oo dadka "qabyaalad ku kala irdheeyay"

Image
Madaxweynaha waqtigu ka dhacay ayaa lagu dhaliilay in uu ka gaabiyey la dagaalanka argagixisadda.

MUQDISHO, Soomaaliya - Maamulka madaxweynaha waqtigu ka dhamaadey Farmaajo wuxuu dadka ku kala irdhaynayaan qabyaalad, sida uu shaaca ka dhigay musharax madaxwayne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Hogaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir oo qoraal ku daabacay ciwaankiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa ku eedeeyay taliska Farmaajo in uu ka gaabiyey u gurmashadda dadka ay saameysay abaarta ka jirta dalka.

Warsame ayaa hoosta ka xariiqay in dalka uu u baahan yahay dadaal wadajir ah oo looga samata-bixiyo xaaladda qalafsan ee uu wajahay afartii sano ee lasoo dhaafay oo maamulka Farmaajo ariminayey.

"Allaha na mootiyee abaarta sanadkan way ka kulushahay kuwii hore. Waxay ku soo aadaysaa iyadoo ganacsigii istaagay oo lafaha la cunayo, Kooxda Aragagexisada Al-shabaab ay reer guuraaga xoolihii baad kaga gurayaan waxey zakawaat ugu yeereen, Muqdishana iyaga iyo Dowladdu ay labo canshuur ka qaadaan, meelaha qaarna ay Daacish seddax ku tahay," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Adduunkii gurman lahaana oo uu dhaqaaalihiisii COVID19 dhaawcay. Rajiimka Farmaajo ee muddo xileedkiisa dhammaadayna wuxuu dilay ra’sumaalkii bulsho iyo ruuxdii walaalnimo ee la isugu gurman jiray, isagoo beddelkeedana dadkii qabyaalad ku kala irdheeyeen, xasilloonidii siyaasadeedna ay halis ugu jirto boobka qaawan ee doorashada dartii, halka ay iyaguna war moog ka yihiin oo ay musuq iyo fushuq dhexda kaga jiraan".

"Waxaan loo baahanahay in aan la imaano daddaal, taageero iyo nafhur intii hore ka badan," ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Warsame kaasoo kamid ah mucaaradka ugu waaweyn ee dowladda Farmaajo.

Qaybo kamid ah Soomaaliya waxaa ka jirta abaar ba'an taasoo saameysay dad iyo duunyo. Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, goboalda Jubooyinka waa meelaha ugu daran waxaana ka jirta baahi u baahan wax ka qabasho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM

Gollaha Wasiirrada Soomaaliya oo Ansixiyay Heshiisyo iyo Shuruuc Muhiim ah

Xildhibaanadu waxay kaloo oggolaadeen Axdiga Ururka Caalamiga ah ee Dayax-gacmeedka Guur-guura.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 10:23AM