Maamulka Galmudug oo doon Kaluumeysi ku qabtey Hobyo

Image

Ciidamda Badda ee Maamulka Galmudug ayaa maanta gacanta ku dhigay dooni si sharci darro ah uga kalluumeysanaysay xeebta Hobyo ee goboka Mudug iyo shaqaalihii saarnaa oo ay tiradoodu tahay 40.

Taliye kuxigeenka ciidamada badda Galmudug Cadirashiid Maxamed Axmed ayaa VOA-da u sheegay in doonidaasi laga leeyahay dalka Yemen, guud ahaan shaqaalaha saarana ay yihiin Yamaniyiin. 

Cabdirashiid ayaa sidoo kale sheegay in is rasaaseyn ay dhex martay shaqaalaha doonida iyo ciidamda badda ee Galmudug ka dib ay ciidamada u suurtagashay inay gacanta ku soo dhigaan doonida iyo guud ahaan shaqaalaheeda oo uu la socday “nin u dhashay Puntland.” 

Waxa uu sidoo kale sheegay in laba ka mid ah shaqaalaha doonta oo ku dhaawcmay is rasaaseynta la dhigay cisbital lagu dabiibayo.

Qabashada doontaan ayaa ku soo beegmeysa xilli xiriirka labada maamul xun yahay kuwasoo bilihii lasoo dhaafey dagaal ku dhexmarey xarunta gobolka Mudug.

VOA+ GAROWEONLINE 

Related Articles

Maxay tahay sababta Mucaaradka u qaadacay Shirka Xasan Sheekh?

Go’aanka mucaaradka ayaa imanaya xilli uu sare u kacay khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya dowladda federaalka iyo qaar ka mid ah maamul-goboleedyada.

  • Soomaliya

    09-06-2025

  • 09:31AM

Cali Jeyte oo ceeb ku tilmaamay hadalka Axmed Maclin Fiqi

Nuur Cabdi Rooble (Nuunuule), Caddaw iyo Macallin Cumar ayuu sheegay Wasiirka difaaca DF Axmed Maclin Fiqi in lagu dilay howlgalka.

  • Soomaliya

    08-06-2025

  • 12:28PM