Maamulka HirShabeelle oo ka hadlay Muranka Isbitaalka Jowhar

Image

JOWHAR, Somalia- Maamulka HirShabeelle ayaa sharaxaad ka bixiyay xarig lagula kacay Agaasimaha Isbitaalka guud ee magaalada, kaasoo markii dambe lagasii daayay xabsi ku yaalla magaalada Jowhar.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda Warfaafinta maamulkaas ayaa lagu sheegay in xukuumaddu aysan doonayn inay albaabada iskugu laabto cusbitalkaas, balse maamulaha gacanta ku hayaa uu ka dhaga adaygay amar kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Gudaha.

“Arrinta sababtay xariga Madaxii isbitaalka Intersos ayaa ahayd mid ku timid dhaga adeyg uu ka muujiyay codsi uu u gudbiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cali Caadle, kaasoo ku saabsanaa in Wasaarada Arrimaha Gudaha loo oggolaado in ay dhismo ka hirgeliso dhul banaan oo aan ka mid ahayn isbitaalka qeybta adeega shacabka loogu fuliyo,” Ayaa lagu yiri qoraal uu soo saaray Wasiirka Warfaafinta dowlad goboleedka Hirshabeelle Mahad Xasan Cismaan.

Maamulka ayaa sheegay inuusan xariga loo gaystay mas’uulkaas uusan waxba u dhimin shaqadi loo hayay bulshada.

“Balse,waxaa loo oggolaaday in dib uu xoriyadiisa u helo madaxii isbitaalka Jowhar Mudane Xasan Mahad Cabdi,xarigiisana kuma yeelan wax saameyn ah howlaha adeega isbitaalka uu u hayay bulshada,”Ayaa lagu cadeeyay qoraalkan.

Mahdi ayaa la xiray markii uu diiday inuu u hogaasam amar kasoo baxay wasiirka wasaaradda Arrimaha Gudaha maamulkaas.

Bannaanbax loogasoo horjeedo go’aanka maamulka HirShabeelle ayaa maanta ka dhacy xarunta gobolka Shabeellaha taasoo looga soo horjeedo in la xiro cusbitaalka si looga dhigo xafiisyo ay ku shaqayso dowladdu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif: "Xasan Sheekh Waxa Uu Taagan Yahay Halkii Uu Ka Bilaaban Lahaa Dhicitaankiisa"

Madaxweynihii hore ayaa caddeeyey in mucaaradku ay isticmaalayaan waddooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:55AM

IGAD Oo War Kasoo Saartay Fashilka Wadahadalka Khilaafka Doorashadda Soomaaliya

IGAD ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in sii socoshada wada-xaajoodka siyaasadeed ay muhiim u tahay ilaalinta xasilloonida dalka.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:44AM