Maamulka Jubaland oo Sii Daayay Senator Ilyaas Bedel Gaboose
KISMAAYO, Soomaaliya — Maamul goboleedka Jubaland ayaa xabsiga ka sii daayay Senator Ilyaas Bedel Gaboose, oo ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, ka dib markii uu ku xirnaa Kismaayo muddo ku dhow 16 bilood.
Tallaabadan ayaa loo arkaa dadaal uu Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ku doonayo inuu ku qaboojiyo xiisadaha siyaasadeed ee gobolka, isagoo mudnaanta siinaya dib-u-heshiisiinta dhex marta dhinacyada iska soo horjeeda.
Kulanka Madoobe iyo Gaboose
Saacado yar ka dib markii laga soo daayay xabsi gurigii uu ku jiray tan iyo sannadkii 2024, Senator Gaboose ayaa kulan la qaatay Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Sheekh Daahir Axmed Cabdullaahi. Kulankaas ayaa diiradda lagu saaray midnimada iyo maslaxadda guud ee shacabka Jubaland.
Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa qoraal uu soo dhigay baltiisa Facebook ku yiri: “Danta guud, nabadda iyo midnimada reer Jubaland waxay ka sarreeyaan kala duwanaansho kasta oo xagga siyaasadda ah. Waxaan diyaar u nahay inaan tanaasul ballaaran u sameyno xasilloonida iyo mustaqbalka dadkayaga.”
Sababta Xarigga Senator-ka
Senator Gaboose ayaa la xiray ka dib markii uu si adag uga horyimid dib-u-doorashadii Madaxweyne Axmed Madoobe ee ka dhacday Kismaayo. Xilligaas, Gaboose wuxuu hoggaaminayay garab su’aal ka keenay sharciyadda geedi-socodka doorashada, taas oo dhalisay khilaaf xooggan oo u dhexeeya Kismaayo iyo dowladda Federaalka ee Muqdisho.
Senator-ka ayaa loo arkayay inuu taageero ka helayay hoggaanka Muqdisho intii uu socday loolanka siyaasadeed, inkastoo aan la ogeyn in xiriirkaas uu weli sidiisii yahay ka dib markii xorriyaddiisa dib loo siiyay.
Micnaha ka dambeysa Sii-dayntiisa
Xarigga Gaboose wuxuu muddo dheer calaamad u ahaa kala qeybsanaanta siyaasadeed ee gudaha Jubaland, isagoo dhaliyay cambaareyn uga timid xubnaha mucaaradka oo maamulka Kismaayo ku eedeeyay inuu caburiyo ra’yiga xorta ah.
Sii-daynta Senator-ka ayaa hadda loo fasirayaa inay tahay xeelad siyaasadeed oo looga golleeyahay in lagu soo afjaro is-mari-waagii mudada dheer jiray, lana mideeyo garabyada iska soo horjeeda ee Jubaland ka hor loolanka siyaasadeed ee soo socda.
GAROWE ONLINE