Maamulka Jubbaland oo ku baaqay in la joojiyo colaadda Baladweyne

Image

KISMAYO- Maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay colaadda ka taagan degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, wuxuuna ku baaqay in la joojiyo oo ay iska kaashadaan dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, oo warbaahinta kula hadlay magalada Kismayo, ayaa ku baaqay in si dhaqso ah loo joojiyo dhibaatada  ka taagan xarunta gobolka Hiiraan, isagoo baaq nabadeed u diray beelaha wada-daga ee muddooyinkii dambe colaaddu ka dhex-taagnayd, isagoo xusay inuusan fahamsanayn ujeedad ka dambaysa dagaalkaas.

“Colaadda ka taagan Baladweyne macnaha ay leedahay anigu ma Garanayo, balse waxaa ku baaqayaa in loo istaago sidii lagu joojin lahaa, ayna Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul-goboleedyada si wadajir ah uga qayb-qaataan sidii colaada lagu joojin lahaa,” Ayuu yiri Axmed Madoobe.

Wuxuu xusay inaysan arrintan haboonayn maadaama dadka degan Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe laga sugayay howl adag oo ah dhismaha maamulkooda. Wuxuu codsaday in dadaal dheer lagu bixiyo dhismaha maamulka labadaasi gobol.

“Innagaa Soomaali ah, waana inaan isku gurmanno, waa inaan xalinno kooxihii is-haysata iyo kuwa wax kala tabanaya oo dhan, arrinta Gobolka Hiiraan ka taagana waa in si dhaqso ah wax looga qabto,” Sidaas waxaa hadalkiisa raaciyay Axmed Madoobe, madaxweynaha Jubbaland.

Dowladda Federalka ayuu xasuusiyay inay tahay mas'uuliyad saaran, xaaladda gobolka Hiiraan, isagoo ku baaqay inay doorweyn ka cayaaraan sidii howshaasi loo soo afmeeri lahaa.

Hadalkan, ayaa kusoo beegmay xilli xaalad adag ka jirto magalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan, halkaas oo muddo ku dagaalamayeen beelo ood-wadaag ah.

GAROWEONLINE

Related Articles