Maamulka Jubbaland oo toogtay ciidamo dil gaystay

Image

18 September, 2015(GO)-Maamulka Jubbaland ayaa dil toogasho ah ku fuliyay 7 ka tirsan ciidamada maamulkaasi ka dib markii lagu helay inay gaysteen dilka labo qof oo shacab ah.

Maxkamadda ciidamada maamulka Jubbaland ayaa la horkeenay 10 ka mid ah ciidamada maamulkaasi, waxaana lagu riday xukunno kala duwan.

Gudoomiye ku xigeenka Maxkamadda ciidamada Jubbaland Bashiir Maxamuud Xareed (Qamdariiran) oo warbaahinta u akhriyay go'aamada, ayaa sheegay in ciidamada la soo eedeeyay 7 ka mid ah lagu xukumay til doogasho ah, halka saddexda kale lagu xukumay 3 sano oo xabsi ah.

Ciidamada maanta la xukumay ayaa ayaa shalay dil u gaystay 2 qof oo shacaba ah kuwaasi lagu dilay magalada Kismayo.

GAROWEONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM