Maamulka ​Koonfur Galbeed oo soo afjartay Doorashada Aqalka Hoose [Akhriso]

Image

BAYDHOBO, Somalia- Maamulka Koonfur Galbeed Somalia ayaa noqday dowlad goboleedkii labaad, oo ku guulaystay inuu soo afmeero Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Barlamanka Federaalka Somalia.

Howsha Doorashada ka socotay muddo bila ah magaalada Baydhabo, ayaa idlaatay xalay kadib markii labo Xildhibaan oo lagu kala magacaabo Xasan Macalin Xuseen Maxa'uud iyo Cumar Cali Maxamed kuwaasi oo hore uga mid ahaa mudanayaasha waqtigoodu dhammaaday.

Gudiga Doorashada ayaa sheegay in Koonfur Galbeed aysan ku guulastay inay Haweenka ka siiso Kuraasta la doortay, oo ahayd inay helaan 20 Kursi oo kamid ah 69 Xubnood ee Aqalka Hoose.

Doorashada Aqalka Hoose ee ka dhacday Baydhobo ayaa intii ay socotay waxaa jiray dhaliilo loo jeediyay Madaxweynaha mamaulkaasi Shariif Xasan oo lagu eedeeyay in shaqsiyaad isaga ku dhaw uu siiyay Kuraasta Xildhibaanada.

Maaulka Jubbaland ayaa Bishii lasoo dhaafay sidan oo kale u soo dhamaystiray Doorashada Kurasaasta maamulkaasi ka helay Aqalka hoose oo gaarayso 43 Xubnood.

Inta bada Doorashooyinka Kuraasta Aqalka Hoose ee ka socdo caasimadaha maamulada dalka ayaa waxaa kusoo baxay Xildhibaano hore, oo qaarkood lagu tiri inay kasoo galeen dhanka Damu-jadiid.

14, 000 oo Ergo ah oo Odayaasha dhaqanka Beelaha Soomaaliyeed ay soo xuleen, ayaa ka qeyb-galaya Doorashada Baarlamaanka Federaalka, oo ka kooban 275 Kursi taasi oo dalka ka billaabatay horaantii Bishii tagtey.

GAROWEONLINE

Related Articles

Beesha caalamka oo wadahadallo la yeelatay mucaaradka si loo xalliyo ismari-waaga doorashada

Ka qaybgalka Deni iyo Madoobe ayaa muujinaysa doorka muhiimka ah ee Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Federaalka ay ku leeyihiin wadatashiyadan

  • Soomaliya

    18-05-2026

  • 02:18PM

Hubanti la'aan soo wajahday natiijadda doorashaddii Koonfur Galbeed

Musharixiin uu kamid yahay Shariif Xasan ayaa sheegay in aysan aqbalayn natiijo lagu shubtay, xili Lafta-Gareen ciidankiisa duulaan ku yihiin Baydhabo.

  • Soomaliya

    18-05-2026

  • 11:33AM