Maamulka Somaliland oo qaadacday wadahadalkaTurkiga

Image

23 November, 2015(GO)-Maamulka Somaliland ayaa maanta shaaciyay inaysan ka qayb galayn wadahadallada u dhaxeeya iyaga iyo Somalia ee garwadeenka ka tahay dowladda Turkiga, kaasi oo dhawr jeer bur buray.

Wasiirka wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warancadde oo warbaahinta kula hadlay magalada Ceerigaabo, ayaa sheegay in wadamadaan faragalin ku hayaan Somaliland.

Wuxuu tilmaamay inaysan gabi ahaan jirin cid u matalaysa Somaliland shirkaasi, isagoo xusay inay ka fiirsanayaan xiriirka kala dhaxeeya dowladda Turkiga.

Dhinaca kale maamulka Somaliland ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay inay ka qayb galayaan doorashada dalka Somalia ka dhici doonta sannadka 2016.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Somalia kaasi oo ku aadan shirkaasi iyo qaadacaadda maamulka Somaliland.

Magaalada Muqdishu ayaa kulan loogu qabtey dad dhalasho ahaan kasoo jeeda Somaliland kuwasoo lagu weydiinayo fikirkooda ku aadan qaabka doorashada Somalia u dhaceysa 2016

Ra'isal wasaare ku-xigeenka dowlada federaalka ah ayaa kulan lagu lagu qabtey magaalada Muqdishu ka sheegey maalintii shaley 22 Nov,2015 in awooda dalka loo qaybsado Somalia iyo Somaliland. 

Halkan ka daawo warsaxafeedka Somaliland 

GAROWEONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM