​Madaafiic lagu garaacay qaybo kamid ah Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia- Madaafiic xoog leh ayaa caawa laga maqlayay qaybo kamid ah magaalada Muqdishu caasumadda Somalia, xilli maalinta barri ah 08 Febreuary 2017 dhici doonto doorashada Madaxweynaha.

Goob joogayaal ku sugan nawaaxiga goobta weeraradu ka dhaceen ayaa GO u sheegay in duqaymo xoog leh laga maqlayay nawaaxiga gaaroonka diyaaradaha Muqdishu.

Wararka weerarkaas ayaa intaas ku daraya in hoobiyaashu ku dhaceen degmooyinka Waaberi, Xamar jajab, Xamar weyne iyo Warta-nabadda.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee hoobiyaasha sababeen, balse arrinta ayaa u muuqata mid lagu khal-khal galinayo amniga Muqdishu maadama doorashadii Madaxweynaha barri la qaban doono.

Majirto cid sheegatay duqaymahaas ka dhacay degmooyin katirsan gobolka Banaadir.

Maamulka gobolka sidoo kale kama hadlin weerarkaas lagu qaaday degmooyin katirsan Muqdishu.

Xaaladda ayaa iminka dagan, waxaana goobaha la weeraray gaaray ciidamo katirsan kuwa dowladda Somalia oo baaritaano kala duwan ka sameeyay.

Dhawaqa hoobiyaasha ayaa laga maqlay guud ahaan xaafadaha Muqdishu iyadoo ay dadka shacabka ah walaac ka muujiyeen xaaladda amni.

Magaalada Caasumadda ah ayaa bandow lagusoo rogay iyadoo la xiray waddooyinka muhiimka ah, waxaa sidoo kale xanibaad la saaray duulimaadyada diyaaradaha Muqdishu Arbacada Barri ah.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh Oo Qaabilay Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

Warar soo baxaya ayaa sheegay in Midowga Yurub iyo deeq-bixiyaasha kale aysan ku qanacsanayn qaabka uu Xasan Sheekh wax u wado.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 08:59PM

Sheekh Shariif: "Xasan Sheekh Waxa Uu Taagan Yahay Halkii Uu Ka Bilaaban Lahaa Dhicitaankiisa"

Madaxweynihii hore ayaa caddeeyey in mucaaradku ay isticmaalayaan waddooyin sharci iyo kuwo siyaasadeed.

  • Soomaliya

    17-05-2026

  • 06:55AM