Madaafiic lagu garaacay Saldhig ciidamo Ajnabi ah ku sugan yihiin

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Xoogaga Al-Shabaab ayaa sheegtay in weerar Madaafiic ay ku beegsadeen Saldhig ay ciidamadda Kenya ee qeybta ka ah AMISOM ay ku leeyihiin deegaanka Fax-faxdhuun ee gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Wararka ayaa waxay intaas ay ku darayaan in Hoobiyaasha qaarkood ay ku dhaceen gudaha Xeradda la weeraray, islamarkaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay.

Dadka deegaanka oo siyaabo kala duwan ula hadlay Warisdaha Garowe Online, waxay tilmaameen inay maqleen ugu yaraan Lix madfac iyo Qaraxyo, kuwaasoo dhawaqooda uu aad u cuslaa.

Saraakiisha ciidamadda xooga dalka Soomaaliya oo falkaan u xaqiijiyay warbaahinta waxay sheegeen inuu jiro burbur baahsan oo ay sababeen Madaafiicda lagu asqeeyay Saldhiga ciidanka Kenya ee AMISOM ka tirsan.

Shabaab ma aysan carabaabin khasaaraha nafeed, ee ka dhashay weerarka Madaafiicda ah, inkastoo ay daboolka ka qaadeen inuu jiro khasaaro uu geystay weerarka Hoobiye-yaasha ah.

Taliska AMISOM, iyo midka ciidamada Kenya wali war kama aysan soo saarin dhankooda weerarka beegsaday Xerada ay ku leeyihiin Tuuladda Fax-faxdhuun ee gobolka Gedo.

Tuuladda Fax-faxdhuun oo ku dhow magaaladda Ceel-waaq ee xuduudka Kenya iyo Soomaaliya, ayaa waxaa xaaladeeda laga soo sheegayaan inay tahay mid degan, wallow dadka deegaanka hadalhayaan.

Sikastaba, Weerarka Hoobiye-yaasha ah ayaa kamid ah xeeladaha dagaal oo ay adeegsato Al-Shabaab marka ay howlgal fulinayaan, waxaana ka dhasha Khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM