Madaafiic lagu garaacay Saldhiga Turkiga ee Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Al-Shabaab ayaa sheegatay in ku dhawaad 13 hoobiye ay ku weerartay Saldhiga Militeriga Turkiga ku leeyihiin duleedka magaalada Muqdisho, ee caasimada Soomaaliya.

Weerarkan oo dhacay subaxnimada maanta oo Sabti, ayaa waxaana dhawaqa madaafiicda uu hurdada kasoo toosiyey dad badan oo ku kala nool degmooyinka gobolka Banaadir.

Al-Shabaab ma aysan bixin faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay iyo hadii Hoobiyaasha ay ku dhaceen gudaha xeradda Military ee Turkiga, oo ky taalla deegaanka Jazeera.

Ma jiro wax war ah uu kasoo baxay Saraakiisha militeriga Turkida iyo Taliska Ciidanka xooga Soomaaliya, oo ku aadan duqeynta hoobiye, oo noqonaysa midii ugu horeysay tan iyo markii la furay saldhigga.

Xaruntan, oo dowladda Turkiga ay sheegtay inay tababar ku siinayso Ciidamada dowladda Soomaaliya, ayaa waxaa xariga laga jaray 30-kii September ee 2017, iyadoo ay kasoo baxeen hal guuto oo ciidan ah.

Turkiga oo kamid ah dalalka taageeray Qadar markii xiriirka ay u jareen wadamada Khaliijka bishii June 5, 2017, ayaa siiyay dowladda Federaalka kaalmooyin dhaqaale iyo mid military.

Weerarka ayaa kusoo beegmayaa xilli xukuumada Federaalka Soomaaliya ay isku dayayso inay wax ka qabato amni darrada Muqdisho, oo mudooyinkii dambe ay ka dhacayeen qaraxyo iyo dilal qorsheysan.

Lix qof oo Shan kamid ah ay ahaayeen isku qoys ayaa ku dhaawacmay weerar hoobiye oo ka dhacay 8-dii bishan May ka dhacay nawaaxiga Aqa xarunta Villa Soomaaliya ee ku taalla degmada Wardhigleey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM

Xisbiga Towfiiq oo diiday natiijada doorashada Galmudug, kuna eedeeyay guddiga doorashada eex

Guddiga Doorashooyinka ayaan weli si rasmi ah uga jawaabin eedeymaha Towfiiq ama shaacin in dib loo eegayo natiijooyinka la soo saaray.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 08:23AM