Madaafiic lagu tuuray xarunta Villa Somalia

Image

MUQDISHU, Somalia- Dhowr hoobiye ayaa ku dhacay gudaha iyo nawaaxiga xarunta Madaxtooyada Somalia ee Muqdishu, xilli Gollaha wasiirada cusub ay kulan ku leeyihiin Xafiiska Ra'iisul wasaare Kheyre.

Madaafiicda ayaa labo kamid ah waxay ku dhaceen Villa Somalia, waxaana ku dhaawacmay labo haween ah, sida ay GO u xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan Madaxtooyada.

Qaar kale oo hoobiyaasha kamid ah waxay ku dhaceen Xaafaddaha 15-May ee dhabarka dambe ee Aqalka looga taliyo dalka Somalia.

Lama oga khasaaraha dadka shacabka ah kasoo gaarey duqeyntaas.

Dadka deggan nawaaxiga Villa Somalia, oo aan la xiriirnay ayaa noo sheegay inay aad ugu argagaxeen madaafiicda kusoo dhacday xaafadooda.

Ciidamada Nabad Sugida iyo Booliska dowladda Somalia ayaa gaarey goobaha ay hoobiyaashu kusoo dhaceen waxayna billaabeen baaritaanno la xiriirta halka laga soo tuurey.

Majirto cid sheegatay, balse waxaa falalka noocaan ah Muqdishu ka gaysata kooxda Al Shabaab.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM