Madaafiic lagu weerarey saldhig ku yaala Koonfurta Soomaaliya

Image

WAAJID: Kooxda al Shabaab ayaa sheegtay in xalay ay 13 madfac ku weerareen saldhig ciidanka dowladda Itoobiya ay ku leeyihiin degmada Waajid ee gobolka Bakool.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen qaraxyo is xig-xiga balse aysan oggeyn khasaaraha ay geysten, iyadoona maamulka degmada uusan wali ka hadlin sheegashada kooxda.

Saraakiisha laamaha amniga ee degmada ayaa saaka lagu wadaa in kulamo looga hadlayo xaaladdaha degmada ay yeshaan, iyadoo degmada todobaadyadii lasoo dhaafay aysan ka dhicin weeraro noocan oo kale ah.

Howlgallada al Shabaab ee gobollada Bay iyo Bakool ayaa maalmihii la soo dhaafay ahaa kuwo is daba joog, kaddib markii ay yareen howlgallada ciidanka dowladda ay ka sameyn jireen waddooyinka isku xira deegaannada ay ciidanka ka joogaan gobollada Koonfur Galbeed.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Dowladda Federaalka oo Qorsheynaysa Maamul Cusub oo Awdal Ka Hirgala

Dowladda federaalka ayaa wali ku jirta wada-hadallo iyo qiimeyn ku saabsan sida loo hirgelin karo qorshahan.

  • Soomaliya

    17-01-2026

  • 05:26AM

Sacuudiga, Masar iyo Soomaaliya oo ku jira Wadahadallo Ku Saabsan Isbahaysi Ciidan

Mas’uuliyiin ka tirsan Sacuudi Carabiya ayaa cadaadis ku saaray dowladda Soomaaliya in ay xaddido xiriirka ay la leedahay Imaaraadka.

  • Soomaliya

    16-01-2026

  • 06:21PM