Madaafiic ku dhacday nawaaxiga Madaxtooyadda Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Tiro madaafiic ah ayaa maanta duhurkii ku dhacay nawaaxiga xarunt Madaxtooyada Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Goobjooge ayaa u sheegay Warsidaha Garowe Online in hoobiyaal gaaraya ilaa 3 ay ku dhaceen xaafadaha Caga-dhiig iyo 15-ka May, oo kaabiga ku haya qasriga Villa Soomaaliya.

Wali ma jirto wax khasaaro ah oo la xaqiijiyay oo dadka shacabka ah kasoo gaaraya duqeynta hoobiyaasha ah.

Ciidamo ka tirsan Hay’addaha ammaanka dalka ayaa tagey goobaha la duqeeyay, waxaana ay kasoo qaadeen hoobiyaal aan qarxin. 

Lama oga illaa hadda halka laga soo tuuray iyo cida soo tuurtay hoobiyaasha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Danjire hore oo Mareykan ah oo ka digay in si degdeg ah loo aqoonsado Somaliland

Danjiruhu wuxuu tilmaamay in Mareykanka uu haysto saddex ikhtiyaar: in uu sii hayo…

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 12:44PM

Cirro: Inta aan xafiiska joogo bay Somaliland aqoonsi helaysaa

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya xilli ay sare u sii kacayso baaqyada lagu dalbanayo in Mareykanku aqoonsado Somaliland.

  • Soomaliya

    20-08-2025

  • 05:42AM