Madasha Xisbiyada oo baaq kasoo saartey xulista wakiilada Somaliland

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Madasha Xisbiyadda Qaran ayaa ku talisay in dowladda federaalka aysan kaalin ku yeelan soo xulista wakiiladda Somaliland loogana dambeeyo afhayeenka Aqalka Sarre, Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

"Madasha Xisbiyada Qaran ayaa goordhow soo saartay War Saxadeed lagu dalbanayo in la ilaaliyo xuquuqda Xildhibaannada ka soo jeeda Gobollada Waqooyi u leeyihiin in si' xor ah oo loogu doorto magaalada Muqdisho," ayaa lagu soo qoray barta Facebook ee madasha.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "MXQ ayaa ku talisay in Gud. Aqalka sare mudane Cabdi Xaashi looga dambeeyo magacaabidda Guddiyada loo xil saarayo maamulka Doorashada Mudanayaasha ka soo jeeda G/Waqooyi, maadaama uu yahay masuulka ugu sarreeyo ee la doortay kana soo jeeda Somaliland".

Dhawaqaan ayaa kusoo beegmaya xilli isbaheysigan siyaasadeed ee ka dhanka ah dowladda Farmaajo uusan wali caddeyn mowqifkiisa faragelinta xooggan ee Villa Soomaaliya ku sameyneyso doorashooyinka HirShabelle.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi, afhayeenka Aqalka Sare ee Soomaaliya kana soo jeeda gobolada waqooyi, ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka in ay dooneyso in ay suu xulato "ciyaal yar-yar" oo u coddeeya madaxweyne Farmaajo.

Isagoo u waramay Idaacadda maxaliga ah ee Shabelle, gudoomiye Xaashi ayaa carabka ku dhuftay in ay doonayaan in ay u madax-banaanadan soo xulista Xildhibaanadooda lana mid noqdana dowlad goboleedyada kale.

Maamulada kale ee Soomaaliya ayaa si madax-banaan u soo xulanaya wakiiladooda ku metelaya Goleyaasha Sharci-dejinta Federaalka, wallow Madaxtooyadda isku dayeyso in ay saameyn ku yeelato si u soo saaro xubno taabacsan.

Hoos ka akhriso bayaanka Madasha

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM