​Madax-furasho lagusii daayay shaqaale lagu af-duubtay Baay

Image

BAYDHABO, Somalia - Kooxda Al shabaab ayaa lagu soo waramayaa inay lacag madax-furasho ah kusii daysay shaqaale hay'ad samafal, oo ay ku afduubteen 16-ka bishan July duleedka magaalada Baydhabo.

Al shabaab ayaa sii daysay samafalayaashaas oo tiradoodu gaarayso 7, oo 4 kamid ah ay ahaayeen haween, kadib markii la siiyay lacag murafasho ah oo gaaraysa $30,000 [Sodon Kun oo Doolarka Mareykanka].

Shaqaalahan oo katirsan NGO lagu magacaabo GREDO, ayaa laga afduubay meel ku dhaw Baydhabo, iyagoo kusii jeeday deegaano ay ka jirtay macluul baahsan oo kamid ah gobolka Baay.

Xubnahan oo jidka loo galay waqtigii la qafaalanayay iyagoo kusii jeeda Baydhabo ayaa gacanta lagu hayay 9 maalmood waxayna ku sugnaayeen deegaan lagu magacaabo Dalandoole, oo katirsan gobolka Baay, kaasi oo ay maamusho Al shabaab.

Wali ma jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed Somalia iyo Hay'adda GREDO.

Al shabaab ayaa gobolka Gedo sidan oo kale uga afduubay 4 shaqaale samafal ah bishii April ee lasoo dhaafay, kuwaasi oo markii dambe iska sii daayay, dedaallo ay sameeyeen odayaasha gobolka kadib.

GAROWEONLINE

Related Articles

Masar oo Bilawday Qorshe Ay Cadaadis Milatari Ku Saarayso Itoobiya

Ka dib markii uu dhacay khilaafkii u dhexeeyay Soomaaliya iyo Itoobiya ee la xiriiray heshiiskii Itoobiya la gashay Somaliland.

  • Soomaliya

    26-08-2025

  • 11:58AM

Villa Somalia oo Heshiis la gashay xubno kasoo goostay Madashii Saamatabixinta

Si kastaba, heshiiskan ayaa horseeday kala qaybsanaan muuqata oo ka dhex dhacday Madasha Samatabixinta.

  • Soomaliya

    25-08-2025

  • 12:55PM