Madax ka hadashay arrimaha Somalia

Image
Image
Image

Madaxweynaha Somalia, Xasan Shiekh Maxamuud, oo ka qeybgalayay shirka arrimaha amniga caalamka, ayaa maanta kulamo la qaatey madax iyo diblomaasiyiin kusugan dalka Jarmalka.

Madaxwaynuhu madaxda uu la kulmay waxaa ka mid ah; Jan Eliasson oo ah ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Wasiirka Arrimaha dibadda ee Boqortooyada Norway, Børge Brende, Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Britain, Philip Hammond, Wasiirka Difaaca ee Jarmalka, Ursula von der Leyen, iyo mas’uuliyiin kale. 

Shirarka u dhaxeeyay dhinacyadaasi waxaa looga hadlay xoojinta xiriirka ay la leeyihiin Somalia, xaaladda amni ee gobolka Geeska Afrika, arrimaha siyaasadda ee Somalia, taageerada, dib u dhiska iyo dib u soo kabashada dalka. 

Xasan Sheekh Madaxweynaha Somalia, ayaa hogaamiyaasha uu la kulmay uga mahad celiyay kaalinta wanaagsan ee ay ka qaadanayaan taageerada Somalia. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Bangiga Maalgashiga Yurub oo tixgelinaya inuu amaah siiyo Soomaaliya xilli xiisado jiraan

Go’aankan ayaa soo baxay wax ka yar laba sano kadib markii Soomaaliya laga cafiyay…

  • Soomaliya

    24-08-2025

  • 09:54PM

Waa kuwee xubnaha mucaaradka ee ka baxay madasha kuna biiray qorshaha Villa Somalia?

Qoraal guddiga doorashada ee lagu muransan yahay shaqada wajibaadkiisa ayaa lagu…

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 08:49PM