​Madaxa xisbi islaami ah oo Bangladesh lagu daldalay

Image

Bangladesh ayaa xukun dil ah ku fulisay hoggaamiyihii xisbiga islaamiga ah ee ugu weyn waddankaas, ayadoo loo haystay inuu galay dambiyo dagaal intii uu socday dagaalkii madaxbanaanida ee ay kula jireen Pakistan 1971.

Maamulayaashu waxay sheegeen in Motiur Rahman Nizami lagu deldelay xabsiga dhexe ee Dhaka.

Mr Nizami oo ahaa hoggaamiyaha xisbiga Jamaacatul Islaami, ayaa lagu riday xukunno isugu jira xasuuq, kufsi, iyo inuu abaabulay dil aan cidna loo aabo yeelin intii uu dagaalku socday.

Waa qofkii shanaad ee ka tirsan hoggaamiyeyaasha sare ee mucaaradka oo dambiyo dagaal loo dilo tan iyo sanadkii 2013.

Xisbiga Jamaacatul Islaami ayaa ku baaqay in shaqo joojin waddanka oo dhan laga sameeyo Arbacada, ayadoo looga soo horjeedo dilka.

Wuxuu sheegay in Mr Nizami loo dhibaateeyey aano siyaasadeed.

BBC

Related Articles

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM

Siyaasiyiin Soomaali ah oo Taariikh Ka Sameeyay Baarlamaanka Norway

Falanqeeyayaal ayaa sheegaya in doorashadoodu ay ka tarjumayso isbeddelka…

  • Soomaliya

    06-07-2026

  • 04:41PM