Madaxda DF oo "ku jees-jeesay" Waare markii uu codsaday muddo kororsi

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Madaxweynihii labaad ee HirShabelle, Maxamed Cabdi Waare, ayaa xaqiijiyey in uu damacsanaa hal sano dib loo dhigo doorashadda maamulkaas, balse ay madaxd dowlada federaalka ah ka diideen.

Waare oo 3-dii bishaan November iska casilay xilka hogaamiyaha dowlad goboleedkii ugu dambeeyay ee laga yaglaalay wadanka, ayaa sheegay in hogaanka Villa Soomaaliya ay dalabkiisa uga jawaabeen "si jees-jees ah".

Dastuurka HirShabelle ayuu ka dhawaajiyey in uu xeerinayo madaxweyne walba oo la doorto uu siinayo muddo xileedka buuxa oo afar sano ah.

16-kii September, 2017 ayaa Waare la doortay markii baarlamaanka uu eryay Cali Cabdullaahi Cosoble oo xafiiska joogay in ka badan hal sano.

Tani ayaa ka dhigan in Waare uu jagada ku qantay muddo xileed kala dhiman, waxaana uu rabay in halkii sano ee dhaafay meesha laga saaro balse waxaa ka "hor-yimid ku xigeenkiisa, baarlamaanka iyo dowlada dhexe".

"Waliba dowladda federaalka si gaar ah waa igu qosleen waxay igu dhaheen 'so adigii mataqaanaa Dhuusamareeb iyo inta [Muqdisho] doorashada waa in ay waqtigeeda ku dhacdo so adigii leh maaha adigii miyaa hadda dhahaya sanad ha lagu daro iyo waxaas' war hadda sanadaa ii haray meelay hadda doodaas ka bilaabato ma aysan jirin sanadkaas waa ka tanaasulay si aysan dood u dhicin, waxaan kaloo ka tanaasulay in aanan murashax, waxaana tanna ugu tanaasulay in aan muujiyo in aysan jirin conflict of interest taana waa suurtageli wayday," ayuu u sheegay Horufadhi Media, oo ah warbaahin online ah.

Madaxtooyadda Soomaaliya iyo taliska nabad-sugida ayaa u dedejinaya doorashooyinka HirShabelle si ay ugu soo saartaan madax taabacsan oo fulisa qorshahooda coddeynta nagu soo fool leh ee 2020-21.

Dhanka kale, Waare ayaa qashinka ku daray wararka sheegayay in uu muddooyinkii ugu dambeeyay xabsi guri u ahaa Muqdisho maadaama uusan shaashadaha kasoo muuqan in ka badan muddo bil ah.

"Waa daayacad aan waxba ka jirin," ayuu xusay. "Intaas aan amusnaa dad badan ayaa ila soo xiriiriyey oo isugu jira laba qeybood qaar igu dhahahay maad hadashid, iyo qaar ahaa kuwii aan ka shaqeyn waayey".

Maxamed Cabdi Waare oo intii uu xafiiska joogay looga bartay siyaasad aan sal-fadhisa lahayn si gaar ah latacaamulka dowlada iyo maamulada ayaa u muuqda mid si fudud daaqada uga baxay maadaama uusan xulafo qayb ka ahayn.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM

CC Shakuur: Qofkii Talada dalka la ordo waa laga dhigayaa, hana xigo ama yuusan na xigin

"Qof kasta oo la ordo talada dalka waa laga dhigayaa, ha ahaado mid na xiga ama mid aan na xigin," ayuu yiri C/raxmaan Cabdishakuur Warsame.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 09:43AM