​Madaxda dowladda iyo AMISOM oo Shir uga socda Muqdishu

Image
Image
Image
Image
Image
Image

MUQDISHU, Somalia - Xarunta Xalane, ee Muqdishu waxaa ka socda Shir looga hadlayo amaanka Somalia, kaasi oo ay ka qeybgalayaan Mas'uuliyiin sare oo katirsana dowladda iyo Taliyaasha AMISOM.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Somalia, Mahdi Maxamed Guuleed, Wasiirka Gaashaandhiga iyo Saraakiisha laamaha amniga ayaa ka qeybgalay Shirkan oo diirada lagu saarayo diyaarinta Ciidan qaran oo AMISOM kala wareegi kara mas'uuliyada amaanka dalka.

Madaxa AMISOM iyo Ergayga Midowga Afrika ee Somalia Amb. Francisco Madiera, Saraakiil ciidan oo ka socota Midowga Yrurub, Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa sidoo kale ka qay galay kulankaas.

Madiera oo Goobta ka hadlay ayaa sheegay in muhiim ay tahay in Somalia loo diyaariyo ciidamo awood leh, oo buuxin kara booska AMISOM sanadka 2018-ka, sidoo kale sugi kara amaanka doorashada 2021.

Shirkan oo socon doono mudo afar maalmood ah ayaa waxaa la filayaa inay kasoo baxaan go'aanno a xiriira qorshaha AMISOM uga baxayaan Somalia, iyo qaabka loo soo afjari karo dagaalka ka dhanka ah Al shabaab.

Bishii April ee ina  dhaaftay, Madaxda dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, ayaa ku heshiiyay inay dhisaan Ciidan Qaran oo mideysan, kaas oo AMISOM kala wareegi kara Amaanka guu dahaan dalka.

GAROWEONLINE

Related Articles

Qaramada Midoobay oo sheegtay in mudo-xileedka Xasan Sheekh uu dhamaadey

Sidoo kale, hay’adda ayaa ku adkeysatay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada siyaasadeed ee dalka.

  • Soomaliya

    16-05-2026

  • 01:05PM

Xasan Sheekh oo la kulmay Danjiraha Turkiga xilli uu fashilmay Wahadalka doorashadda

Kulankan ayaa kusoo beegmaya xilli uu shalay fashil kusoo dhamaadey wahadalkii Mucaaradka iyo Xasan Sheekh.

  • Soomaliya

    16-05-2026

  • 11:32AM