Galmudug oo isku khilaafsan Mowqifka Khilaafka Khaliijka

Image

CADAADO, Somaaliya - Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, Maxamed Xaashi Carabeey ayaa kasoo horjeestay go'aankii kasoo baxayy Madaxweyne Axmed Ducaalle Geelle Xaaf, ee uu kula saftay Sacuudiga iyo Xulufadiisa.

Wa Saxafaadeed uu soo saarey Maxamed Xaashi Carabeey, ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uusan wax wadatashi ah kala sameyn go'aanka maanta uu soo saarey, ee xiriirka loogu jaray dowladda Qadar.

Carabeey ayaa xusay in Galmudug ay tahay maamul dhameystiran, oo Hay'adiisa kala duwan, ay dhamaan taageersan yihiin go'aanka dhexdhexaadnimo ee dowladda Federaalka ee Khlaafka Khaliijka.

Wuxuu kaloo sheegay in Madaxweyne Xaaf uu ku deg-degay go'aankii maanta uu soo saarey, ee uu ku sheegay in Galmudug la safatay Xulufada uu hogaamiyo Sacuudiga, ee xiriirka u jaray Qadar bishii June.

Halkan hoos ka akhri War Saxaafadeedka;

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Beesha Hawadle oo heshiis ka gaaray musharraxa Madaxweynaha Hirshabeelle

Habkan awood-qaybsiga ayaa saldhig u ahaa siyaasadda Hirshabeelle tan iyo markii la dhisay dowlad-goboleedka.

  • Soomaliya

    05-08-2026

  • 08:33AM

Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka kala hadlay khilaafka doorashooyinka Soomaaliya

Dhanka kale, mucaaradka ayaa ku baaqaya in marka hore la gaaro is-afgarad siyaasadeed oo loo dhan yahay.

  • Soomaliya

    04-08-2026

  • 11:45AM