Madaxda maamulada Somalia oo ku wajahan magaalada Garowe

Image

GAROWE April 25,2015 ( GO)- Waxaa magaalo madaxda Puntland ee Garowe la filayaa in 29 April,2015 isugu yimaadaan madaxda maamulada Jubaland, Koonfur Galbeed, Puntland ee Somalia iyo dowlada Federaalka ah.

Kulankaan ayaa noqonaya kii Labaad oo ay ku kulmaan madaxweynayaasha maamuladaan iyo dowlada Federaalka kadib markii horey ugu kulmeen magaalada Muqdishu Feb 2015.

Madaxweynaha dowlada Federaalka Xasan Shiikh ayaan la xaqiijin inuu kasoo qayb galayo kulankaan halka warar kale sheegayaan in Ra'isal wasaare Sharmaake imaan doono magaalada Garowe.

Shirkaan ayaa wararku sheegayaan inuu socon doono muddo labo cisho ah iyada oo aan weli la ogeyn qodobada looga wada hadli karo.

Dhinaca kale kulankaan ayaa ku soo beegmaya waqti dowlada Federaalka madaxdeeda aaminsan yihiin in maamulada gobolada dhexe ka dhismi doonaan gobolada Galgaduud iyo Mudug halka Puntland ka biyo diidan tahay.

Madaxweynaha dowlada Puntland ayaa la filayaa in maalinta berri imaan doona magaalada Garowe kadib markii uu soo dhameystey booqasho uu ugu maqanaa wadanka Ethiopia.

GAROWEONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo baajiyey safar uu ku tegi lahaa Ruushka xilli uu isa soo tarayo Cadaadiska Uganda

Hase yeeshee, Madaxweyne Museveni ayaa la sheegay inuu diiday codsigaas, isagoo sabab uga dhigay caqabado dhaqaale.

  • Soomaliya

    28-10-2026

  • 05:28AM

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM