Madaxda Somalia iyo beesha caalamka oo kulmaya

Image

MUQDISHU- Waxaa galabta kulan albaabada u xiran yahay ku dhexmarayaa magaalada Muqdishu madaxda dowlada Federaalka Somalia, madaxweynayaasha maamulada Somalia iyo beesha caalamka.

Kulankaan ayaa wararka Garowe online soo gaaraya sheegayaan in madaxda Somalida loo ogolaadey iney kala qayb galaan oo kaliya hal xildhibaan iyo hal wasiir kaasoo noqon doono mid hordhac ah inta uusan furmin shirweynaha guud.

Wararka ayaa sheegaya in farqiga u dhexeeya madaxda Somalida uu aad u balaaran yahay iyadoo madaxda dowlada federaalka, madaxweynaha maamulada Koonfur Galbeed iyo Galmudug mowqifkooda weli taagan hayay halkiisa.

Dhinaca kale Puntland Jubaland ayaa wararku xusayaan in dabacsanaantii ay ka muujiyeen magaalada Kismayo isbadal ku yimid sida uu Warsidaha Garowe online u sheegey xogogaal aan ka fogeyn kulamadaas.

Beesha caalamka ayaa qoraal ay dhowaan soo saartey u sheegtey madaxda Somalida in laga rabo iney go'aan ka gaaraan qaabka loo galayo doorashada Somalia sanadkaan dabayaqadiisa.

GAROWEONLINE kala soco wararka la xiriira  kulankaan.

Related Articles

FBI-da Mareykanka oo Liiska Dadka Ugu Doon-doonista Badan ku Dartay Nin Soomaali ah

Kash Patel, ayaa sheegay in eedeysanaha oo lagu magacaabo Fahad Maxamed Nuur uu qayb ka yahay shakhsiyaadka hay’addu ay baadigoobka weyn ugu jirto.

  • Soomaliya

    08-07-2026

  • 06:59PM

Puntland iyo Jubbaland oo hal sabab uga baaqday shir Turkiga ku qabanayo Muqdisho

Turkiga ayaa muddo dheer door muuqda ku lahaa arrimaha Soomaaliya, isagoo bixiyay taageero dhinacyada amniga.

  • Soomaliya

    07-07-2026

  • 01:43PM