Madaxda Somalida oo ku qulquleysa magaalada Kismayo

Image

KISMAYO Jan 10,2016 (GO)- Waxaa magaalada Kismayo gaarey qaar ka tirsan madaxda Somalida kuwasoo wararka aan heleyno sheegayaan in 24 saac ee socda kulamo ugu bilaami doonaan xarunta maamulka Jubaland.

Madaxweynaha dowlada Puntland, madaxweynaha mamaulka Galmudug, madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed iyo Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashid Cali Sharmaake ayaa maanta gaarey Kismayo.

Maalinta berri galinka hore ayaa waxaa laga sugayaa magaalada Kismayo madaxweynaha dowlada Federaalka Xasan Shiikh iyo gudoomiyaha Barlamanka Somalia Jawaari iyadoo wararka xusayaan in galabnimada shirka bilaami doono.

Dhinaca kale waxaan ka qayb galeyn kulankaan ergeyga cusub ee Qaramada midoobey iyadoo sidoo kale ay soo gaareen Kismayo wasiirka arrimaha dibada Ethiopia iyo madaxda ka socota midowga Yurub.

Kulankaan ayaa waxaa lagaga arinsanayaa in go'aan laga gaaro qaabka ay noqneyso doorashada la filayo in Somalia ka dhacdo sanadkaaan 2016 iyadoo uu jiro kala qaybsanaan nidaamka lagu soo xulan doono xildhibaanda barlamanka Federaalka.

Warsidaha Garowe Online ayaa fahansan in madaxda dowlada Federaalka, gudoomiyaha Barlamanka iyo labada maamul Koonfur Galbeed iyo Galmudug dabada ka riixayaaan in nidaamka 4.5 lagu soo doorto xildhibaanada Barlamanka Federaalka taasoo fursad u siineyneysa in dib loogu doorto xafiiskaan markale.

GAROWEONLINE ayaa idinla socodsiin doona shirka magaalada Kismayo uga socda madaxda Somalida.

Related Articles

Xamsa Cabdi Barre: Mucaaradka Waxay Fulinayaan Danaha Dowlado Shisheeye

Barre ayaa sheegay in qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ah ay noqdeen afhayeenno u adeegaya hadallo kasoo baxay dowlado shisheeye.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 08:28PM

Dowladda Masar oo ka hadashay Qaraxii lala eegtay Dhalinyarada qoranaysay Askarta

Bayaanka Masar ayaa si cad u sheegay taageerada dowladda Masar ee hay’adaha Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidanka iyo ciidamada amniga.

  • Soomaliya

    19-05-2025

  • 12:56PM