​Madaxda Somalida oo shir uga furmayo Muqdishu [Warbixin]

Image

MUQDISHU, Somalia- Hogaamiyaasha Somalida ayaa mar kale shir isugu imaanaya magaalada Muqdishu caasumadda Somalia 03 Augusto, 2016 xilli 02 bishan halkaasi tageen mas'uuliyiita maamullada Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Madaxda ayaa kawada hadli doona arrimo ku aadan doorashada Somalia oo la tuhunsanyahay in dib u dhac ku imaan doono maadama aysan jirin ilaa hadda wax ka fulay jadwalkii lagu go'aamiyay shirkii ugu dambeeyay madasha wadatashiga Qaran ee lagu qabtay magaalada Baydhabo xarunta gobolka Baay.

Shirka waxa ka maqan Ra'isal wasaaraha Somalia oo safar dalka uga maqan iyo madaxweynaha Galmudug oo arrimo caafimaad u jooga dalka India, waxaana matalaya Ku-xigeenkiisa oo jooga magaalada Xamar.

Wararka ku xeeran kulankaasi ayaa sheegaya in madaxdu kawada hadli doonto qaabka loo fulin karo jadwalkii doorashada ee lagu hishiiyay islamarkaana waxay go'aan ka gaari doonaan dalab ah in muddo lagu daro waqtigii loo asteeyay doorashada iyadoo muddo yar ka harsantahay xilligii loogu talo galay inay bilowdaan xulista Xildhibaanada Aqalka Sare oo kasoo horreeya kuwa Aqalka hoose.

Guddi doorashada Heer Federaal iyo beesha caalamka ayaa wararku sheegayaan iney dajiyeen jadwal cusub kaasoo la hordhigi doono madaxda Somalida si ay go'aan uga gaaaraan.

Balse, waxaa madaxda dalka Somalia iyo kuwa maamul goboleedyada ku cel-celiyeen in doorashadu waqtigeedii qabsoomi doonto islamarkaana aysan jiri doonin wax muddo kororsi ah inkastoo dadaalada kasocda Muqdishu u muuqdaan in waqtigii la asteeyay arrintaasi lagu daro muddo dhan Labo bilood.

Kulamo kala duwan ayaa caawa ka dhacay xarunta Villa Somalia halkaasoo ay ku suganyihiin wufuudda inkastoo aysan ilaa hadda caddayn waxa laga wada hadlay, balse wararka uu helayo GO ayaa sheegaya in kulamadani gogol xaar u yihiin shirka furmaya Arbacada.

Beesha Caalamka oo doorashada Somalia faraha kula jirta ayaa u digtay hogaamiyaasha dowladda Federalka Somalia iyagoo dalbaday in la qabto waqtigii loogu talo galay isbadalka.

Mar sii horraysay Guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee Hirgalinta Doorashada Somalia oo ka hadlayay magaalada Muqdishu, wuxuu sheegay in madaxda Somalida looga fadhiyo caddaynta waqtiga doorashadu dhacay iyadoo ay xusid mudan tahay in waqtigaasi horayba loo caddeeyay.

Shirkiisa jaraa'id  Cumar Dhagay, wuxuu ku muujiyay inay dareen ah inay jiri doonto muddo kordhin loo samaynayo dowladda waqtigu ka dhammaanayo.

Madaxda haatan joogta ayaa ku fashilmay inay dalka gaarsiiyaan doorasho cod iyo qof ah, waxaana taas badalkeeda keentay in dib loogu noqdo nidaamkii laga guuray ee 4.5.

GAROWEONLINE

Related Articles

Cali Balcad: Madaxweynaha wuxuu shir la yeelan doonaa madaxdii hore ee dalka

Shirkan ayaa loo arkaa mid fure u noqon kara yareynta kala fogaanshaha siyaasadeed iyo dhisidda hannaan loo dhan yahay oo lagu wajahayo marxaladda kala guurka ah.

  • Soomaliya

    25-05-2025

  • 11:19AM

Sheekh Shariif oo Dowladda ku Eedeeyay Caburinta Saxaafadda

Xorriyadda hadalka iyo madaxbannaanida warbaahinta waa tiirar muhiim u ah dowlad kasta oo sharciyad leh.

  • Soomaliya

    24-05-2025

  • 03:01PM