Madaxda Soomaalida oo loogu baaqay inay ku daydaan Eritrea iyo Itoobiya

Image

BRUSSELS - Wakiilka Qaramadda Midoobay ee Soomaaliya, Micheal Keating ayaa sheegay in hogaamiyaasha Soomaalid ay tahay inay eegaan waxa ka socd dalalka Deriska ah, taasoo uu tilmaamay tahay mid ugu yaraan mudan in lagu daysado.

Isagoo hadal-jeedin ka sameynayay Shirka Arrimaha Soomaaliya ee ka furmay wadanka Belgium ayuu Keating shaaca kaga qaaday in talaabadda ay qaadeen madaxda Itoobiya iyo Eritrea ay tahay mid sare uqaadi karta wacyiga Soomaalida.

"Itoobiya iyo Eritrea waxay qaadeen talaabo sare u qaadeysa nabada iyo xasiloonida. Dhanka kale, waa mid noolayn karta waciyaga iyo nolasha dadka Soomaaliyeed. Waxaana aragnaa inay tahay mid mudan in lagu daysado," ayuu Keating si cad u yiri.

Itoobiya iyo Eritrea ayaa hogaamiyaashooda waxay soo afjareen colaad ka dhaxeysay muddo 20-sano ah, taasoo galaafatay nolasha 80-kun oo qof, waxayna Bog cusub u fureen xiriirkooda dhanka, diblumaasiyadda, ganacsiga iyo wada shaqaynta.

Dhinaca kale, Danjiraha Qaramadda Midoobay oo ka warbixinayay dhaqdhaqaaqyadda dhanka amniga iyo Siyaasadda dalka ayuu sheegay inay tahay horumar la taaban karo laga sameeyay, inkasta oo uu qiray inay jiraan caqabado.

"Caqabadda ugu wayn waxay tahay al-Shabaab oo wali awood leh. Tan labaad, waa siyaasadda aan loo dhamayn. Waxaana rajeynayaa in Beesha Caalamku joogteyso kaalmada ay siiso Soomaaliya si looga talaabo," ayuu hadalkiisa ku daray Keating.

Keating ayaa ayaa ugu dambeyn bogaadiyay horumaradii laga sameeyay Soomaaliya sanadihii ugu dambeeyay, isagoo dhanka kale hoosta ka xariiqay in wali dalka uusan gaarin hiigsigiisa, oo ah in nabadeeyo, in la dhameystiro Dastuurka iyo in la gaarsiiyo doorasho qof iyo qof ah 2020-ka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Ciidamada Midowga Afrika oo la filayo inay Banneeyaan Saddex Aag oo ku yaalla Shabeellaha Hoose

Hase yeeshee, dowladda federaalka ayaa hore u muujisay walaac ku saabsan awoodda ciidamada dalka ee ay hadda haystaan.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 09:10AM

Museveni oo Farta ku Fiiqay Sababta ugu weyn Khilaafaadka Soomaaliya, Baaqna u Diray Hoggaanka Dalka

Museveni ayaa hadalkan ka sheegay kulan uu Madaxtooyada Entebbe kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud.

  • Soomaliya

    27-10-2026

  • 08:55AM