​Madaxda Soomaalida oo Muqdishu kusii sugnaan doonta

Image

MUQDISHU- Waxaa wali magaalada Muqdishu Caasumaadda Soomaaliya kasocda shirarka looga hadlayo arrimaha doorashooyinka dalka ka dhacaya dabayaaqada sannadka 2016, iyadoo aysan jirin go'aan rasmi ah oo la isla qaatay.

Kulmadan ayaa u dhaxeeya madaxda dowladda Federalka iyo maamul goboleedyada oo qura, waxaana bannaanka ka jooga dhammaan Ergooyinkii la socday mas'uuliyiinta ku sugan Villa Soomaaliya.

Shirarkii ugu dambeeyay ayaa diiradda lagu saaray qodobo ay kamid yihiin; maqaamka caasumadda, doorka odoyaasha dhaqanka, sida loo wajahayo doorashada, meesha lagu qabanayo iyo arrimaha farsamo ee ku xeeran doorashada.

Wararka uu helayo warsidaha Garowe Online, ayaa sheegay inaysan jirin go'aamo rasmi ah oo ilaa hadda la gaaray iyadoo intaasi warrarku raacinayaan in madaxdu sii joogi doonaan caasumadda Soomaaliya maalamaha soo socda iyagoo  shirarkuna sii socon doonaan.

Mas'uuliyiinta ayaa Xamar ku sugaya wafdiga uu hogaaminayo madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan, kaasoo la filayo inuu yimaado maalinta Jimcaha ee foodda nagu soo haysa.

Socdaalka Erdogan, lama xiriiro arrimaha doorashada dalka Soomaaliya, balse waa socdaal horay loo sii qorsheeyay, waxaana uu xarigga ka jari doonaa safaaradda ay ka dhisteen magalada Muqdishu.

Waxaa la filayaa inuu la kulmo la qaato madaxda Soomaalida oo uu kala hadlo arrimo ku aadan xaaladda dalka iyo qaabkii hormarka ay isaga kaashan lahaayeen.

Booqashadan oo noqon doonta tii labaad oo uu madaxweynaha Turkigu ku yimaado dalka Soomaaliya, ayaa kusoo aaday xilli hogaamiyasha dalka aysan wali isla meeldhigin arrimaha looga doodayay madashada wadatashiga Qaran.

Warkan ayaa soo baxay xilli aad loo hadal hayay maalmahan war-murtiyeed laga soo saaro shirka galay maalintii saddexaad ee madaxdu ku leeyihiin magaalada Muqdishu.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hal sabab oo loo qaban waayay doorashadda gudoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed

Arrimahan ayaa ku soo beegmaya xilli siyaasiyiinta mucaaradka ee deegaanada Koonfur Galbeed ay si adag u gacan-seyreen natiijadii hordhaca ahayd.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 12:29PM

Beesha Caalamka oo diiday doorasho hal dhinac ah oo ka dhacda Soomaaliya

Kulankan oo dhacay maalintii Isniinta ayaa waxaa fool-ka-fool uga qeyb galay qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu saameynta badan mucaaradka.

  • Soomaliya

    19-05-2026

  • 09:04AM