Madaxda Soomaaliya oo shir uga bilowday Muqdisho

Image
Image
Image
Image
Is-araggan ayaa kusoo beegmaya xilli dalka uu ku jiro dagaal ka dhan ah maleyshiyaadka Al-Shabaab.

MUQDISHO, Soomaaliya - Hogaamiyeyaasha Soomaalida ayaa Khamiista maanta ah waxay wadahadalo maalmo qaadan doona waxay uga bilowdeen magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Madaxtooyadda Soomaaliya oo marti-gelinaysa wadaxaajoodyadan ka dhacaya Aqalka looga taliyo waddanka ayaa is-aragan waxay ku qeexdey "Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka".

Balse, Villa Soomaaliya oo qoraal aad u kooban kasoo saartey furitaanka kulanka ayaan soo bandhigin ajandaha shirka ama qodobadda lagu qaadaadhigi doono shir madaxeedkan.

Koonfur Galbeed waxay warisay: "Shirka ayaa Madaxdu uga wada hadli doonaan Xaaladda guud ee Dalka gaar ahaan Howlgalada socda ee lagula dagaalamaayo Argigixisada Al-Shabaab".

Ma jirto cid kale oo ka warbixisay qodobadda lagu lafaguri doono. Maamuladda kale iyo xafiiska ra'iisul wasaaraha oo ka qeybgalaya wali kama aysan hadlin ajandaha miiska u saaran madaxdan.

Hase ahaatee, warbixino soo baxaya ayaa muujinaya in qeybsiga kheyraadka, siyaasadda, ammaanka iyo la dagaalanka Al-Shabaab ay kamid yihiin arrimaha ay isla-qaadaa dhigayaan hogaamiyeyaasha.

Is-araggan ayaa sidoo kale wuxuu kusoo beegmayaa iyadda oo dalka ku jiro dagaal isla markaana dowladda ay waddo abaabul xooggan oo dibada iyo gudaha ah si ay u soo afjarto xoogaga Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Daahfurtay Siyaasadda Daboolidda Kharashaadka Adeegyada Caafimaadka

Munaasabadda daahfurka waxaa ka qeyb galay wasiirrada maaliyadda, qorsheynta iyo haweenka, wasiir ku-xigeenka caafimaadka.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 01:29PM

Khilaafkii Museveni iyo Xasan Sheekh oo Saameyn Ku Yeeshay Xiriirka Labada Dal - XOG

Ilo wareedyadu waxay sheegeen in xiriirka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni.

  • Soomaliya

    13-07-2026

  • 09:02AM