Madaxda ururka Ahlu Sunah Wal Jamaca oo soo gaarey Muqdishu

Image

MUQDISHU, Somalia - Wafdi uu hogaaminayo Sheekh Maxamed Shaakir ayaa maanta soo gaarey magaalada Muqdishu, halkaasi oo ka furmayo shir lagu heshiisiinayo Ahlu Sunna iyo Galmudug.

Wafidgaan ayaa waxaa garoonka diyaardaha ku soo dhoweeyey Wasiirka arimaha gudaha dowlada Federaalka Cabdi Farax Siciid " Juxa" iyo saraakiil ka tirsan wasaaradiisa.

Wafdi kale oo ka socda Galmudug ayaa ku sugan magaalada Muqdishu kuwaasi oo ay kamid yihiin Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Maxamed Xaashii Carabeey iyo gudoomiye Cali Casir Gacal.

Dowladda Federaalka ayaa Labada garab dhex-dhexaadinaysa, waxaana ujeedka uu yahay inay gaaraan heshiis awood qeybsiga ah kahor doorashada Madaxweyanaha Galmudug oo dhici doonto 30-ka April.

Shirka ayaa la filayaa inuu furmo maalinta berri ah, waxaana uu socon doonaan dhowr maalmood.

Ahlu Sunna waxay shuruud ku xirtay heshiiska Galmudug, waxaana ay dalbatay in lacag malaayiin doolar ah mag-dhaw ahaan looga siiyo dhiigii uga daatay dagaalka Al shabaab todobadii sano ee lasoo dhaafay.

Galmudug ayaa horey ugu fashilantay isku-dayo Ahlu Sunna kula heshiin lahayd, intii uu xilka Madaxweyne hayay Cabdikariim Xuseen Guuleed, oo is-casilay February markii uu xanuun soo wajahay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Aadan Madoobe oo digniin culus u diray ciidamada Lafta-Gareen ee ku sugan duleedka Baydhaba

Wuxuu sheegay in shacabka Maamulka Koonfur Galbeed ay mudan yihiin nabad, xasillooni iyo nolol ammaan ah.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 08:49PM

Museveni oo Xasan Sheekh ku cadaadinaya heshiis siyaasadeed lala gaaro mucaaradka Soomaaliya

Howlgalka ayaa wajahaya caqabado dhaqaale, iyadoo Mareykanku qorsheynayo inuu joojiyo maalgelinta AUSSOM bisha December 2026.

  • Soomaliya

    22-08-2026

  • 07:41AM